Muqdisho (caalamka.net) – Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay kumanaan shacab ah ayaa maanta ka qayb galayay munaasabada 63 guurada 1-da Luuliyo oo ka dhacday Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho.
Madaxwweynaha ayaa tilmaamay in muwaadiniinta Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay door ku yeeshaan halganka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah oo Al-Shabaab ay u horeeyaan.
Xasan Sheekh oo dhibaatada ay Al-Shabaab dadka Soomaaliyeed ku hayaan ku tilmaamay gumeysi ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, musuq-maasuqa iyo dhismaha dowladnimo Soomaaliyeed oo waarta.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in gobanimada Soomaaliya aysan dhameystireyn inta Al-Shabaab ay dalkaan joogaan, wuxuu si qota dheer uga hadlay dagaalka ay ku hayaan diinteena suuban ee Islaamka.
Wuxuu tusaale u soo qaatay Masjidkii ay shalay Al-Shabaab ku qarxiyeen degaanka Daarunicma ee gobolka Shabeellaada Dhexe, isagoo sheegay in kuwaas ay ka baxeen diinta Islaamka.
“Al-Shabaab masaajid ay dhiseen weligiin ma aragteen, waa dumiyaan ee ma dhisaan, mana sheega karaan diin, gumeystihii dalkaan masaajid ayuu ka dhisay, laakiin Al-Shabaab waa dumiyaan ee aan iska qabano,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa aad u amaanay ciidanka Macawiisley ee dagaalka kula jira Al-Shabaab, isagoo sheegay in taariikhdu ay xusi doonto halganka ay jirto Macawiisley.
“Walaalayaal dalku waa xoroobi rabaa, dhul balaaran ayaa maanta Khawaarijta ka xoroobay, waxaana lagu gaaray in dadkii deganaa dhulkaas ay maya iska dhaheen oo la dagaalameen Khawaarijta, walaalayaal dalkeeno xorriyad ayuu qaatay, in Shabaab la iska soo afjaro ayaana naga go’an,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hoos ka daawo khudbadii Madaxweynaha