Daawo: Madaxweyne Xasan oo khudbadii Jimcaha ku shaaciyey arrin muhiim ah

0
51

Muqdisho (caalamka.net) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay khudbadda Salaadda Jumcaha ayaa ka hadlay halka uu marayo qorshaha Soomaaliya ee ku biiradda Dallada Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha ayaa cadeeyey in madaxda Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay aqbalaeen codsigii Soomaaliya ee ka mid noqoshada Suuqa Bariga Afrika.

“Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u sheego waa la aqbalay codsigeenii ka mid noqoshada Suuqa bariga Afrika, dadkeenu waa kuwa ugu firfircoon Geeska Afrika, waana tan nagu dhiiri-gelisay inaan dirsano codsigaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay dhiman yihiin waxyaabo yaryar oo farsamo ah oo ku saabsan hanaanka ay Soomaaliya ugu biireyso dalladaas.

Hasayeeshee Madaxweynuhu wuxuu bulshada u cadeeyey in la aqbalay codsigii Soomaaliya ay ku dooneysay in lagu biiriyo wadamada ku bahoobay Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

“Shuruucda ka mid noqoshada ururkaas waxaa la keeni doonaa baarlamaanka Soomaaliya, waxaana rajeynayaa inuu ogolaado,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray inay aqoonsi iyo sharciyo heli doonaan dadka Soomaaliyeed oo ku ganacsada dalalka todobada ah ee ku midoobay Dallada Bulshada Bariga Afrika oo la qorsheynayo in Soomaaliya ay noqoto dalka 8-aad.

“Dadkeena maanta kadib waxay sharci ku heli doonaan dal kasta oo daladaas ka tirsan meesha ay ka joogaan, dib dambana looma qash-qashaadi doono, inta aan la rabaynay oo aan raadineynay waa intaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here