Daawo: Maxaa ka jira in DF ay xiriir la leedahay IRAN?

0
40

Muqdisho (caalamka.net) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo hortegay guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka ayaa wax laga weydiiyay arrimo ku saabsan hadddii uu jiro xiriir ay dowladda dhexe la leedahay Iran.

Wasiir Huruuse ayaa marka hore beeniyay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay haatan wax xiriir diblomaasiyasadeed ah laleedahay Iiran.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xittaa uusan jirin wax isku dhowaansho ah oo ku aadan labada dal, maadaama uu horay u go’ay xiriirkooda.

“Sideedaba safaarad annaga Iran nooga furan iyo xiriir diblomaasiyeed oo aan Iran la leenahay ma jiro, sidaas aawadeed ma lihin diblomaasiyiin noogu qoran safaaradda Iran, kuwii xilliga xiriirka go’ay joogayna waan kasoo qaadanay” ayuu yiri wasiir Huruuse.

Guddiga ayaa sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya wax ka weydiiyay inuu jiro sarkaal ka tirsan wasaaradda, oo mushaar toos ah ka qaata safaaradda dowladda Iran ay ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

“Waxaa jira sarkaal ku laa laabto Iran, waana sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ninkaas xaaladdiisa ma la socotiin”” ayuu wasiirku weydiiyay xildhibaan Aweys.

Abshir Huruuse ayaa arrintaas ganafka ku dhuftay, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ka hortegi doonto cid kasta oo isku deyda in magaca Soomaaliya u adeegsato dano gaar ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray haddii ay jirto cid aan wasaaradda ka tirsaneyn oo xiriir la sameysay dowlad aysan xiriir la laheyn Soomaaliya inay daba-galayaan, isla-markaana haddii la helo laga qaado doono adag oo ku aadan waxa uu sharciga dalka ka qabo.

“Haddii ay jiraan shaqsiyaad iskood u tega waa wax gaar ah, ma ahan wax ku saleysan janaalka wasaarradda, dowadduna ay ka war qabto. Cid alaala oo arrinta aad sheegeyso ku kacda waa mas’uuliyad inna wada saaray inaynu kula xisaabtameyno oo aan ka daba tegno ” ayuu ku jawaabay wasiirka arrimaha dibada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay guddiyada kala duwan ee baarlamaanka ayaa waday qorshe ay kula xisaabtamayaan xubnaha Golaha Wasiirada, si ay wax uga weydiiyaan shaqadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here