Daawo: Qodobada la’isku mari la’yahay shirka Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay

0
20

Muqdisho (caalamka.net) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shirka wadatashiga ah ee haatanmagaalada Muqdisho uga socdo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwii hore ee dalka, kaas oo galay maalintii labaad oo xiriir ah.

Shirkan oo ah mid xasaasi ayaa waxaa guddoominaya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay ka qayb-galayaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan Shiikh Aden R/W Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, R/W Cumar Cabdirashid, R/W Xasan Cali Khayre, R/W ku-xigeen Ridwan Xirsi Maxamed, Wasir Cabdinuur Shiikh Maxamed iyo xildhibaan Cabdulqadir Cossoble Cali.

Sidoo kale waxaa furitaanka shirka shalay dib loogu kordhiyay xubno ay kamid yihiin Maxamed Xuseen Rooble, Cali Maxamed Geedi, Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waa laba ra’iisul wasaare oo hore iyo laba guddoomiye baarlamaan oo hore.

Waxaa sidoo kale shirka maanta ku biiray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi oo haatan ku sugan hoteelka Decale oo ah halka shirka lagu qabanayo, waxayna kasoo muuqdeen hoolka uu ka socdo shirweynahaasi.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in shirka maanta uu ka duwan yahay midkii shalay, uuna jiro is mari-waa u dhexeeyo labada dhinac, oo ay dood adag u dhexeyso.

Qodobada la’isku hayo waxaa kamid ah arrinta doorashada iyo wax ka beddalka muddo xileedka hay’adaha dowladda, taas oo ay ka biyo diidan yihiin madaxdii hore.

Villa Somalia ayaa dooneysa inay meel-mariso heshiiskii golaha wadatashiga, halka Shariif, mucaaradka iyo qaar kamid ah madaxdii hore ay taasi kasoo horjeedaan, waana sababta maanta adkeysay doodaha hareeyay kulanka labaad ee shirka weli ka socda Muqdisho.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse gabagabada shirka ayaa waxaa la filayaa inay madaxdu shaaciyaan qodobada ay ku heshiiyaan ee ku aadan wadahadalkooda Muqdisho.

Shirkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskii ay dhowaan gaareen Golaha Wadatashiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here