Daawo: Sheekh Shariif oo farageliyay dagaalka ka socda SH/DHEXE

0
30

Cadale (caalamka.net) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo gaaray gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa farageliyay dagaal beeleed haatan kasoo cusboonaaday inta u dhexeyso degmooyinka Raaga-Ceelle & Cadale oo ka tirsan gobolkaas.

Shariif ayaa waxaa safarkan ku wehlinaya, mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabelle, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqan ee kasoo jeeda deegaanka.

Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaal beedlkan oo u dhexeeyo laba beelood oo walaalo ah, isla-markaana sababay dhimasho iyo dhaawac.

“Aad ayaan uga xunahay waxa meesha ka dhacay inta dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawac ahna Allaha caafiyo” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedka socdaalkooda uu yahay, sidii loo joojin lahaa dagaalkaasi, xalna looga gaari lahaa colaada u dhexeysa labada beelood.

“Waxa na keenay waxaa waayay xumaan aan ka xunahay waxa dhacay oo aan rabo oo Ilaaheyna aan ka baryeyno inay meeshaas ku joogsadaan” ayuu sii raaciyay.

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in marka hore la sameeyo xabad-joojin, kadibna la wada-hadalo.

“Qodobka koowaad waxaan rabnaa in xabad joojin la sameeyo, ciidankana la kala qaado oo gogol nabadeed la fidiyo, wixii dhacayna xal la gaaro” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Maanta baahi looma qabo dhiig inuu daato inta naga dhacday ayaa ceeb iyo culeys noogu filan”.

Dagaal beeleedkan ayaa saameyn ku yeeshay shacabka, wuxuuna ka faafay deegaano horleh, maadaama aysan waxba isku reeban maleeshiyaada diriraya ee labada dhinac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here