Daawo: Turkiga oo ka carooday tallaabo ay qaaday DF

0
27

Muqdisho (caalamka.net) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa galabta sheegay in dowladda Turkiga ay ka carootay hadal ka soo yeeray wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay inay dowladda Turkiga ka codsadeen in la bedelo Agaasimaha guud ee Isbitaalka Erdogan, Ex Digfeer oo Turkidu ay maamusho.

Hadalkaas uu wasiirku shaaciyey waxaa ka carootay dowladda Turkiga oo dooneysay in arrintaan si hoose loo xaliyo oo la bedelo Agaasimaha, iyadoo aan la ogaan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in xiisadda uu abuuray hadalkii wasiirka caafimaadka Soomaaliya aan weli la xalin.

“Dowladda Turkiga ayaa cabasho ka muujisay in wasiirka caafimaadka Soomaaliya uu si Public ah u sheegay in Agaasimihii isbitaalka Digfeer la eryey,  arintaasna illaa hadda xal uma aanan helin,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Wasiirka ayaa sheegay in isbitaalka Digfeer uu leeyahay afar agaasime oo Turki ah iyo afar ku xigeen oo Soomaali ah, isla markaana uu yimid khilaaf maamul.

Khilaafkaas ayaa sababay in wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay codsato in laga bedelo agaasimaha guud ee Turkiga ah, waxaana dalabkaas aqbashay dowladda Turkiga, sida uu maalmo ka hor shaaciyey wasiirka caafimaadka Soomaaliya.

Afarta Agaasime ee Turkida ah waxaa horay loogu heshiiyey in dowladda Turkiga ay soo magacowdo, halka afarta ku xigeen ee Soomaalida ah ay soo magacaabeyso dowladda Soomaaliya.

Hoos ka daawo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here