Daawo: Waa immisa tirada Xujeyda sanadkan geeriyootay iyo kuwa la la’yahay?

0
47

Madiina (caalamka.net) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay xaaladda Xujeyda Soomaaliyeed ee weli ku sugan Boqortooyada Sacuudiga.

Roobow ayaa xaqiijiyay in sanadkan ay Xajka ku geeriyoodeen 4 Xaaji oo ay laba dumar tahay, sidoo kalena la la’yahay saddex Xaaji oo kale, kuwaas haatan la baadigoobayo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ugu yaraan illaa 60 Xaaji oo kale loo sameeyay howlo caafimaad, kuwaas oo uu tilmaamay in daaweyntooda ay wasaaradda kala kaashatay dowladda Sacuudiga, haddana ay caafimaad qabaan.

Sheekh Mukhtaar oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ka ka mas’uuliyiin ahaan aysan ka tegin Xujeyda, isla-markaana ay weli la joogaan, si ay ula qaybsadaan xaalad kasta.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in haatan ay soo dhammaatay acmaasha xajka iyo adegyadii ay dowladda u qabatay Xujeyda muddada ay ku jireen gudashada waajibaadka Xajka.

Wasiir Roobow ayaa sidoo kale amray in si deg deg ah dalka dib loo soo celiyo Xujeyda Soomaaliyeed ee dhammeystay acmaasha Xajka, si dalkooda hooyo loo keeno.

Ugu dambeyn wuxuu uga mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamza, mudnaanta ay sanadkaan siiyeen arrimaha Xujeeyda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here