Daawo: “Waligey xabad iyo qarax ma maqlin xalay ka hor” Sidaas waxaa tiri…

0
44

Muqdisho (caalamka.net) – Hooyo Soomaaliyeed oo kasoo badbaaday weerarkii xalay lagu qaaday dhismaha hoteelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ayaa ka sheekeysay qaabka ay wax ku dhaceen iyo sida ay ku badbaadeen ayada iyo carruurteeda.

Hooyadan ayaa sheegtay i dhnowaan ay dalka kusoo laabatay, isla-markaana ay kusoo barbaartay dalalka Carabta, waxayna sheegtay inay ku sugneyd hoteelka oo ay ku dalxiisayeen ayada iyo carruurteeda, xilliga uu dhacayay weerarka ay ku qaadeen Shabaab.

Waxa ay tilmaamtay in marka ay rasaastu bilaabatay ay gudaha ugu carareen hoteelka, isla-markaana ay meel luuqa ku jireen muddo dheer, kadibna ay mar dambe kasii boodeen darbiga, ayaga oo caawimaad ka helaya ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

“Meel aan Dalxiis aan u imaanay inaan annaga oo naxsan oo wal waleyno aan ka tegno waan ka xumahay, laakiin way dhacday calaa kulli xaal, haddana waxaan ku faraxsanahay inaan annaga oo caafimaad qabno ka tegnay,” ayay tiri hooyadan oo la hadashay Dalsan.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ay tahay markii ugu horreysay oo ay la kulanto weerar noocaan oo kale ah, isla-markaana ay maqasho xabad iyo qarax.

“Waa markii iigu horreysay ee aan waddankeyga imaado Carabta ayaa la’iigu soo dhalay, kuna soo baraabaray, markii iigi horreysay aniga iyo carruurteyda oo wadanka imaanay oo qarax aan arkeyno, wallaahi waligey meel xabad laga tuuraayo ma maqlin,” ayay raacisay.

Sidoo kale waxay kusii dartay “Xalay naxtin weyn ayay nagu aheyd aniga iyo ilmaheyga waayo dhinac ayay ka ooynaayeen anne waan la ooynaayay xalay aad ayey u xumeyd”.

Weerarkan waxaa ku dhintay ugu yaraan 9 qof, oo saddex kamid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidanka ammaanka, halka lixda kalena ay ahaayeen dad rayid ah.

Waxaa sidoo kale weerarkan ku dhaawacmay 10 qof oo kale oo shacab ah, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

“Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Si kastaba, Xeebta Liido ayaa ah meel habeenada Jimcaha aad u mashquul badan, oo ay tagaan dhallinyarada ku nool caasimadda Muqdisho, waxaana la arkayey kumanaan qof oo markii uu weerarku bilowday ka cararaya xeebta iyo hoteellada ku yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here