Muqdisho (caalamka.net) – Xildhibaan Cabdullaahi Carab oo kamid ah Golaha Shacabka, laguna soo doortay Ceelwaaq ayaa si kulul uga hadlay xiisadda gobolka Gedo.
Carab oo maanta warbaahinta kula hadlay bannaanka hore ee xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay in reer Gedo ay weli wajahayaan dhibaato ku saabsan xaaladda hore.
“Gobolka Gedo, horta dhibka waxa uu ku billowday hore aniga hadda xildhibaan ayaan ahay mar ayaan tegay oo ah 2017, 2018 iyo 2019 deegaanka ayaa soo booqday wixii ka dambeeyay waad ogtihiin wixii ka dhacay waa nalool diiday annagoo meeshaas nagala soo doortay inaan tegno. ” ayuu yiri xildhibaan Cabdullaahi Carab.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday isbeddalka guud ee gobolka Gedo, markuu tilmaamay inuu taageeray maamulka cusub ee uu Axmed Madoobe u magacaabay Gedo.
Xildhibaanka ayaa heshiiska cusub ee gobolka, Cabdullaahi Shimbir ugu baaqay inuu marka hore dib u hagaajin, isla-qaadka uu keeno dhammaan reer Gedo.
“Hadda isbeddal fiican ayaa waxaan idin sii wadeynaa caleemaha uu madaxweynaha Jubbaland soo magacaabay inuu dadka deegaanka gogol u fidiyo dib u heshiisin ka kooban oo howshii ay hagaagsanaato” ayuu mar kale raaciyay hadalkiisa.
Waxaa kale oo ku daray “Dadweynaha gobolka Gedo waxaan maamulkaa taageera, isagana waxaan ku boorineynaa inuu dadka isugu yeero,”.
Ugu dambeyntii waxaa wax laga weydiiyay wasiirka isaga iyo xildhibaanadii kale ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq, taas oo xiisad kale ka dhalisay gobolka Gedo.
“Aniga Ceel Qaalow la’iguma soo dooranee Ceelwaaq ayaa la’iga soo doortay, inaan tagana waa la’ii diiday” ayuu markale yiri Cabdullaahi Carab oo ah wasiirkii hore ee diiwaangelinta.