Beledweyne (caalamka.net) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo weli ku sugan magaalada Beledweyne ayaa kulamo xasaasi ah ka wada gudaha magaaladaasi, xili ay weli ka taagan tahay xiisad culus.
Dabageed ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidamada ATMIS ee ku sugan gobolka Hiiraan, isaga oo kala hadlay amniga guud ee magaalada Beledweyne.
Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa gudoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Sufurow, saraakiisha ciidamada ATMIS, Sector Four iyo saraakiisha ciidamada booliiska dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee ee HirShabelle.
Yuusuf Dabageed oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo nabadda guud ahaan magaalada Beledweyne, si aysan fowdo uga dhicin magaaladaas oo ay ka taagan xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Cali Jayte.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa faray saraakiisha inay qaataan doorka kaga aadah nabad-gelyada, ayna ka hortagaan wax kasta oo liddi ku ah nabad-gelyda.
Qaar kamid ah saraakiisha oo iyaguna madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday inay fulin doonaan amarka la siiyay, isla-markaana ay ka howlgeli doonaan magaalada Beledweyne.
Shirkan ayaa kusoo aaday, ayada oo weli ay halkeeda tahay xiisadda ka taagan Beledweyn ee ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiye Cali Jayte, balse uu ka horyimid.
Waxaa kale oo uu sheegay in gobolka Hiiraan gudaheeda ay mamnuuc ka tahay qof ka tirsan ama sheeganaya maamulka HirShabeelle, isaga oo si cad u sheegay in masuuliyiinta HirShabelle aysan iman karin gobolka Hiiraan.
Lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaana magaalada Beledweyn ay weli wajaheysaa dhaq-dhaqaaqyo laba dhinac oo iska soo horjeedo, taas oo uga sii dareysa xiisadda taagan.