DEG DEG: Madaxweyne Xasan oo safar qarsoodi ah ku tegay dalka…

0
59

Abu Dhabi (caalamka.net) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka safar aan la shaacin ku aaday dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida ay ogaatay caalamka.net

Safarkan, oo ah mid qarsoodi ah oo aan si rasmi ah loo shaacin, ayaa waxa uu imanaya maalmo kadib markii uu madaxweynaha booqasho rasmi ah ku tegay dalka Qatar, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Safarkan uu saaka ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya safarkii afaraad oo madaxweynuhu ku tago dalkaasi, muddo sanad ah oo uu xafiiska joogo, tan iyo markii dib loo doortay ee 15-ka May ee 2022-ka.

Safarkan ayaa imanaya xilli labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan, islamarkaana ay gaareen heshiis militeri oo dowladda federaalka Soomaaliya ka saacidaya la-dagaalanka Al-Shabaab iyo qorshaheeda xasillinta caasimadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhawaan qiray in Imaaraadka uu Soomaaliya soo garab istaagay xilli ay aad ugu baahneyd, ayna tahay in sida ugu haboon looga faa’iideysto fursada uu siiyay dalkeena iyo kuwa kale ee caalamka ahba ay la garab taagan yihiin.

Iskaashiga cusub ee Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu DF ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howl-gallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtidda dowladda ee amniga.

Soomaaliya ayaa rabta inay dhameystirto diyaarinta ciidan ku dhaw 15,000 askari sanadkaan aan ku jirno ee 2023-ka, sida uu kal hore shaaciyay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Isku-haynta Qatar iyo Imaaraadka waa tijaabo gaar ah xilligaan, waxaana isha lagu wada haya qaabka sida uu madaxweyne Xasan Sheekh u wada hanan karo cilaaqaadka Doha iyo Dubia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here