DF oo jawaab ka bixisay weerarkii Masagawaa

0
51

Masagawaa (caalamka.net) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen inta u dhexeyso degmada Galcad iyo deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud,

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u sameeyay ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isku ballaariyay halkaasi.

Ciidamada ayaa si gaar ah howlgalladan uga sameeyay deegaanada kala ah Ceel-hareeri iyo Meexaan oo hoostaga degmada Galcad ee gobalka Galgaduud.

Saraakiisha howlgalka horkaceysay ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu ahaa inay jawaab ka bixiyaan weerarkii Al-Shabaab ee Masagawaa, sidoo kalena ay ka saaraan halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab oo weli qaybo badan uga sugan gobollada dhexe ee dalka.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dareen inay howlgalladooda ku gaari doonaan deegaanada ay joogaan Al-Shaab, sida Ceelbuur Galhareeri, Wabxo iyo degaannada kale ee gobolkaas.

Ma shaacin saraakiishu khasaaraha ka dhashay howlgalladan, marka laga tego in ay ku gaareen deegaano hoos yimaada magaalada Galcad oo ay soo weeraraan Al-Shabaab

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa aagga deegaanka Masagawaa oo ay ku sugan yihiin ciidamada huwanta.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay markii ugu horreysay shaacisay tirada askarta lagu dilay weerarkii ay toddobaadkii tegay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masagawaay oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaalla ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay weerarkaas kaga dhinteen 9 askari, balse Al-Shabaab ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen, oo gaaraya illaa 150 dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here