Sharm El-Sheikh (caalamka.net) – Wafdi ka socda Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa ka qeyb-galaya madasha caalamiga ah ee hay’adaha isgaarsiinta adduunka (GSR-23) oo uu soo qaban-qaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka.
Madashan oo ka dhacaysa magaalada Sharma El-Sheekh ee dalka Masar ayaa waxaa isugu yimid madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyaga oo isku dhaafsanaya waayo-aragnimadooda la xiriirta horumarradii ugu dambeeyay ee nidaaminta qeybaha Isgaarsiinta iyo teknolojiyadda.
Maalintii ugu horreysay ee shirweynaha ayaa maareeyaha guud ee hay’adda isgaarsiinta qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh waxa uu ka qeyb-galay dood-cilmiyeed loogu tala-galay madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka.
Mustafa ayaa halkaas ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay istaraatiijiyadda qaranka iyo hababka lagu kobcin karo iskaashi dhexmara qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada dhijitaalka.
Maareeyaha ayaa sidoo kale ka warbixiyay muhiimadda ay leedahay in la yeesho siyaasad iyo xeer-nidaamin kor u qaadaysa hal-abuurka, tartanka suuqa iyo ilaalinta macaamiisha.
“Iskaashi dhexmara dowladda iyo ganacsatada waxa uu suuragalinayaa in la wadaago khibrad iyo aqoon suurtogelisa in la hirgeliyo adeegyo dhigitaal ah oo faa’iido u leh bulshada,” ayuu yiri mareeyaha
“Waxaa iyadna sidoo kale laga maarmaan ah in la helo hab isku dhafan oo u dhaxeeya hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo hubiyo iswaafaqsanaanta siyaasadaha iyo xeer-nidaamiyeyaasha, islamarkaana si hufan loo wada hirgeliyo.”
Ugu dambeyntiina waxa uu xusay in wax-wada qabsiga dowladda iyo ganacsatada (PPPs) iyo iskudubaridka hay’adaha dowladda ay yihiin labo tusaale oo muhiim u ah wada-shaqeyn dhexmarta qeybaha kala duwan ee ka shaqeeya adeegyada Digital-ka ah.