DF oo shaqaaleysiisay 23 kun oo dhalinyaro ah + Sawirro

0
41

Muqdisho (caalamka.net) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in muddada sanadka ah ee ay jirtay shaqaaleysiisay dhalinyaro gaareysa illaa 23 kun, sidaasna waxaa sheegay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare oo maanta tababar u furay macallimiinta cusub ee 3,000 ah ee dhowaan dowladda Soomaaliya ay qaadatay, kuwaasi oo shaqo geli doona bisha Sebtember ee sanadkan 2023-ka.

Ra’iisul wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska ee General Kaahiye, ayaa dardaaran u jeediyay Macallimiinta, isaga oo ka codsaday in ay noqdaan kuwo ka soo dhalaala howsha loo xilsaaray ee ah waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

Xamza ayaa sheegay in waxbarashadu ay qeyb muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. W

Waxaa kale oo ku booriyay macallimiinta in ay soo saaraan, arday muslim ah oo aan is qarxineyn, Soomaali ah, qabyaalad aqoon, tuug ahayn, aqoon leh, oo caalamkana  la falgali kara.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray ra’iisul wasaaruhu in xukuumadiisa  iyadoon sannad jirin ay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23-kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo isugu jira ciidan iyo shaqaale.

“In qarashka dowladda lagu daro macallimiin gaaraysa 3,000 waxay ahayd arrin adag, Xukuumadda DanQaran iyadoon sannad joogin waxay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23 kun oo Soomaali ah, isuguna jira, 20 kun oo ciidan ah oo kala wareegi doona amniga dalka ATMIS dhammaadka 2024 iyo 3kun oo Macallin”. ayuu  yiri ra’iisul wasaaruhu.

Wuxuu mar kale ku celiyey digniintiisa ku aadan in la banneeyo dhammaan goobaha waxbarashada ee ay deggan yihiin shacabka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay ahmiyadda u siineyso kor u qaadidda tayada waxbarashada dalka, waxuuna ku adkeeyey in ay sii xoojiyaan dadaalkooda muhiim ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here