Dhacdo Naxdin leh: Hooyo isticmaalka Tiktok dartiis loogu dilay degmada Caabudwaaq

0
63

Caabudwaaq (caalamka.net) – Nimco Jamaal Axmed ayaa lagu dilay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxayna sababsatay isticmaalka aaladda Tiktok, halkaas oo ay ku baahisay muuqaalo ay ka caroodeen ehelkeeda.

Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka mid ah ehelka gabadhaas waxay Nimco u geeriyootay jir-dil ay u geysteen ugu yaraan 5 qof oo ka tirsanaa qoyskeeda.

Dadkaan, ayaa gabadha ku jir-dilay duleedka magaalada, kadib markii ay ku qaateen gaari, waxaana la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo culus oo sababay inay u geeriyooto jir-dilkii loo geystay.

Xubnaha dilay gabadhaas oo u badnaa walaalaheed ayaa ka carooday muuqaalo ay ku baahisay baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey gabadha la dilay Abtigeed.

Wiilal iyo gabdho ayey isugu jireen xubnaha geystay jir-dilka, kuwaas oo hadda ku xiran saldhigga booliska magaalada Caabudwaaq oo falkaasi uu ka dhacay.

Sheekh Ibraahim Faarax Cabdulle oo soo korsaday gabadha la dilay, isla markaana Abti u ahaa ayaa warbaahinta u sheegay in Nimco oo loo geystay dhaawacyo culus uu ka soo qaaday goobtii lagu jir-dilay, isla markaana ay ku geeriyootay isbitaalka.

Sidoo kale Sheekh Ibraahim oo ka cudur-daartay inuu wareysi bixiyo ayaa sheegay inay socdaan baaritaano uu wado booliska magaalada Caabudwaaq oo ku saabsan sababtii loo dilay gabadha oo hadda wararka hordhaca ah ay sheegayaan inay sababsatay muuqaalo ay iska duubtay.

Allaha u naxariistee Nimco waxay aheyd Hooyo heystay carruur aan la shaacin tiradooda – seddax gabdhood iyo laba wiil ayaa loo heystaa dilka Nimco Jamaal Axmed.

Maamulka degmada iyo taliska booliska Caabudwaaq ayaa ka gaabsaday inay faahfaahiyaan dhacdadaan oo argagax ku abuurtay bulshada magaalada, waxaana la xaqiijiyey in lasoo xiray xubnihii dhibka geystay oo baaritaano ay ku socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here