Dhageyso: DF oo shaacisay shir ka dhacaya Mareykanka oo lacag loogu ururinayo…

0
62

Muqdisho (caalamka.net) – La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa faah-faahin ka bixiyay shir muhiim ah oo ay qorsheynayso dowladda federaalka, kaasi oo ka dhacaya dalka Mareykanka.

Xuseen Sheekh Cali oo wareysi siiyay VOA ayaa waxa uu sheegay in dhamaadka sannadkan uu shirkaasi ka qabsoomi doono Mareykanka, si dhaqaale loogu aruuriyo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Ujeedka dhaqaale ururintaas laga leeyahay ayaa waxa uu La-taliyaha Amniga Qaranka ku sheegay sidii ay dowladda Soomaaliya awood ugu hesho inay ku filnaato ciidankeeda wixii ka danbeeya 2027-ka.

“Waxaa hadda rabnaa oo ku qancinay dowladdo saaxiibbo ah in shir bisha December la iskugu imaado Mareykanka, si lacag loogu aruuriyo ciidamada Soomaaliya, oo u hoggaansanaanaya Dastuurka dalka, kana daboolo kharashaadka muhiimka ah sida dhismaha iyo ciidanka qeybahooda kala duwan,” ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali.

Waxa uu intaas sii raaciyay “In adduunka halmar uu gacan ka geysto dhismaha ciidan tayo leh, si ay dowladda Soomaaliya 2027-ka si dhameystiran ciidamadeeda amniga iyadu mushaarkeeda iyo qalabkeeda u awoodi karto.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkaas ay qeyb ka yihiin dowladdo ay kamid yihiin Mareykanka Turkiga, UK, Qatar, Imaaraadka, Sacuudiga iyo Midowga Yurub iyo weliba dowladaha ay saaxiibka la yihiin ee dhaqaalaha ku yaboohi kara iyo kuwa kale ee kaalmeeya Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladaha casuumaysa, waa howl socota hadda, dhaqaalaha la tegi doono iyo farsamadeedii shaqo xawli hadda ku socota waaye. Marka waa in December dhaqaalaheeda la isku keeno wixii Soomaaliya loo dhisi lahaa, loo tababari lahaa hadda illaa 2027.”

Hoos ka dhageyso wareysiga La-taliyaha Amniga Qaranka, kana bilow daqiiqada 8:00.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here