Fal-celin aan caadi ahayn oo ka dhalatay dhalastii Goodax Barre

0
42

Muqdisho (caalamka.net) – Fal-celin aan caadi ayaa ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre.

Wareegto kasoo baxday shirkadda shirkadda hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SODMA Mudane Maxamuud Macallin ayaa Goodax Barre loogu magacaabay La-taliye sare ee arrimaha sugnaanta cunnada ee hay’adda.

Magacaabista Goodax Barre ayaa timid kadib markii shirkadda hay’adda uu arkay in loo qabo in si deg-deg ah loo dhamaystiro howlaha dib-u-yagleelida hay’adda SODMA.

Shaqada La-taliyaha cusub ayaa la sheegay in lagu faah-faahin doono shaqo tilmaame (TOR) gaar ah oo qeexaya shaqada uu jidhku, oo ay soo saari doonto hay’adda.

Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Xuseen Cabdulle Maxamed: “Hay’adda SoDMA Wasiir Goodax Barre gacanta miyaa uga dhacday mise waa ka dhab?.”

“Shaqa sharaf leh, Godax bare ha iga yeeleen dhibka haka dhawro. Loma qabanaayo ardaydii xamar uu ku adkeyey iyo kuwii uu Gado ee uu futiyey xita qabrigii Booqday,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Issak.

Sakariye Cabdulqaadir Aadan oo isagna ka fal-celiyay ayaa waxa uu yiri “Ninka kama xishoonin walaahi.”

Axmed Saalax ayaa sidoo kale yiri “Waa sheeko aan la yaabey anigu, bal waa yahay ee ka mira dhali.”

Dalmar Xaaji: “Goodax meeshaas meel ka sareeysa ayuu u qalmay, si kastaba ha ahaatee waa nin aqoon tiisa iyo waayo aragiisa loo baahan yahay waaye.”

“Shaqadan wasaarada beeraha ayaa laheed lataliyaha amniga cuntada ee si toos ah uma laheen SODMA,” ayuu yiri Maxamed Xaashi oo kamid ah dadka ka fal-celiyay qaabka cusub.

Sakariye Sheekh Xuseen ayaa isna isna waxa uu yiri: “Inaa-lilaahi Goodax Barre ma sidaan baa u dambaysay.”

“Goodax waa jabay markaan laakiin libaax qoyay marna dawaca ha isku moodin,” ayuu yiri Mursal Cali.

Shaafici Cali Axmed oo isna ka fal-celiyay arrintaan, ayaa waxa uu yiri “Waa bahdil wasiir to lataliye Subxaanallah.”

Jawaari Yare: “Aduun waa har labadiisa gelin. Ka Wasiir ilaa La-taliye Hay’ad.”

“Soo dhawoow Goodax Barre waa rug cadaa siyaasada mugdiga ku jiray dalka kala duwan kasoo qabtay, waana muhim qibrada ku jirta inaa laga faa’iideysto, so dhawoow mudane markale,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Xuseen .

Cabdiraxmaan Nuur ayaa isna yiri: “Jago sare oo wasiir ayaa soo xiray xishood majira miyaa!.”

“Sanadkaan xilka lataliyuhu waa dhintay,” ayuu yiri Maxamed Cali oo kamid ah dadka ka fal-celiyay xilka cusub ee loo magacaabay wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here