Fal-celin caro iyo niyadjab leh oo ka dhalatay xukunkii maxkamadda ciidamada ee…

0
27

Muqdisho (caalamka.net) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay xukun ay maanta maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ku ridday nin lagu helay kamid ahaanshiyaha kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena weerar loo adeegsaday qarax ka fuliyey magaalada caasimada ee Muqdisho.

Nikan oo lagu magacaabo Yuusuf Duqow Xuseen Dhicisow ayaa waxa ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Yuusuf Duqow Xuseen uu Al-Shabaab kaga biiray Buur-Eylo oo hoostagta degmada  Buur-Hakaba, uuna mushaar ahaan u qaadan jiray biishiiba $70.

Kadib waxa ay Maxkamaddu sheegtay inuu usoo wareegay magaalada Muqdisho, si uu uga fuliyo dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in ninkan uu ka dambeeyay qarax bam-gacmeed ah oo lagu weeraray waaxda labaad ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Suleymaan A. Axmed: “Sabab ayaa xabsi loogu xukumay ninba la ogyahay dil iyo qaraxyo inuu geeysan jiray, maxaa tiirka loo taagin?.”

“Run ahaantii qofka markuu is dhiibo xukun xabsi waa lagu ridi karaa laakiin nin asagoo bam tuuraayo dilna gaysanaayo lasoo qabtay sidee xabsi loogu xukumi karaa waa iga su’aale. Maa dil lagu xukumo,” ayuu yiri qof kale oo isaguna ka fal-celiyay arrintaan.

Caraale Yaasin Maxamed ayaa isna yiri “Ragan daawadoodu waa toogasho ee hala dilo waxba jeel ku dawoobi maayo waa waraabe imaanka Alle ha ka qaado Shabaab.”

Nasra Raabi: “In la xidho maba ahayn al-qushaash hala dhadhansiiyo xanuunku u gaystay shacabka Soomaaliyeed waa in la aaso isagoo nool nacaladi haku dhacdee.”

“Ragan dawadoodu waa toogasho ee hala dilo waxba jeel ku dawoobi maayo waa waraabe imaanka alle haka qaado Shabaab,” ayuu yiri Caraale Yaasiin Maxamed.

Kaamil Magan ayaa isna yiri: “In la toogto ayay ahayd waxaan maxaa laga xiraya.”

Maahir Zayed: “Dowlada maxa ka qaldan dadkan iyagaba raba iney dhintaane ma loo fududeeyo waa maxay xabsiga?.”

“In latoogto ayey ahayd kuwo kale ayaa ku quus qaadan lahaa. Doofaar ma daahiro,” ayuu yiri Saciid Cabdi Faarax.

Jamaal Cabdiraxmaan: “Dowladda waa in qof Al-Shabaab xataa ku riyooday, oo ka mid noqdo waa in ay dishaa, xabsi in la geeyo qof bambo tuuri rabay oo dad dilo wa qalad.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here