Muqdisho (caalamka.net) – Fal-celin ayaa ka dhalatay xiisad cusub oo Walaac leh oo markale kasoo laabatay Qabuuraha Macallin Nuur oo ku yaalla gudaha deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho, taas oo keentay in dadka qaar laga ilaaliyo.
Dadweyne fara badan ayaa xilli lasoo dhaafay buux dhaafiyay Qabuurahan, kadib markii loo sheegay in la burburiyay dhulkaasi, wararka oo si weyn loogu baraha bulshada ee Internet-ka.
fursad ayaa keentay in durbo dadka qaar oo kasan warqada cadadiisa ay maydadka ehelladooda kala baxay Qabuurahaasi oo dad badan lagu aasay, illaa 80-tameeyadii.
Walaaca xiriir la xiriira ayaa marar badan soo noq-noqday, ayada oo hore u qoyska qoyska Macallin Nuur oo dhulka in dhulka uu ahaan doono sida uu u bixiyo Aabahood oo caan ku ahaa faafinta Diinta Islaamka
Sidee looga fal-celiyay arrintaan?
Xamdi Cali Xasan: “Subxaanallah Ilaahay umada xaqa ha tuso war saan xal maahan dadku akhiro kama fekeraan miyaa aaway dowlad isku sheegii?. cabbir may degto baa la’leeyahay inta waxaas iyo wax lamida jiraan sidee waddan degan loo helayaa?.”
Cabdullaahi Axmed oo kamid dadka ka fal-celiyay arrinta ayaa isna yiri: “Dowladdu waa in ay wax ka qabataa, oo aysan indhaha ka daawan.”
“Qabri lagu fakanmaa dhulka korkiisana lagu badbaadiyey Mars maan uguurnaa,” ayuu yiri Ibraahim Abuukar.
Maxamed Saalax: “Meyd la qodaayo waa qalad ee wax ha laga qabto arinkaas.”
Abu-razaan Cadde ayaa isna isna yiri “Kan qodaayo rabi waxan uga baryaa inuu ku dhago meydka uu kasoo saari rabo qabriga, nacladi rabi ha ku degto kan soo diyaarin arrinkaan iyo kan qodaya oo bariiska meel xun ka galay Bismillaahi!, war maxaa ahaayen? !.”
Cabdinaasir Maxamuud Aamiin: “War Soomaaliyey dadkii goobjoog ahaa ayaa idinka baxsan waayey hadda kuwii akhira ummooday miyaa idinka baxsan la’ waa yaabe.”
“Aniga waxan dhihi lahaa hadda kadib reer walba inta Alle wax siiyay dhulkooda waalidkood ha ku duugtaan aduunyadaan waa halowday wallaahi,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Maxamed.
Mahad ayaa waxa isaguna yiri: “Dowladda lacag ha bixiso dhulka hala xidho, qofkii guray daa’in hala xidho qof u dhow kara majiro. Dad waa hore dhintay sidee loo soo saaray geeri cusub iyo xanuun lama ilaawan ah, ayuu ku noqon qofkii soo saare, dadka qalbiyadoodu halaad Soomaaliyey dhulka intan xabasha ahayn naga badane goorma saan dhan cawaan loo noqday waalidka la soo bax lagu odhan lahaa xanuun intee le ‘tus, ayuu hadalkaa, qofkii la dhaho wax la qiyaasi karo mahan.”
“Ceeeeb ma ahan hada mesha loo baah do maxa diiday in laga saaro oo mel kale la geeyo wayabe somalidaan war jecelka ku nacay ma xamar saan meee cariiri u ahaanee soo lama.dagayo dhulka banan oo waa ween,” ayuu yiri Xasan Cadde .
Cabdiqaadir Cabdulle Maxamed: “Dhulkii ayaa qaali noqdey markaa ayey mar labaad soo kacsadeen miyaa?. Mar haddii la-waqfey waxaa la rabaa in la ogaado waxa isbeddelka keenay.”
Cabdikariim Cusmaan ayaa isna yiri: “Waa loo soo shaqo tagay, waana loo baahan yahay, waana loo baahan yahay inay dadka u fagaan si ay lacag uga helaan iyo kuwa raba in ay ku magac dilaan dadka.”
“Istaqfarulaah Soomaali mayd kii xataa dhulka makaga jiri la tahay subxaana allah allow dalkaan bad iyo dadkaan badbaadiyey,” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Cali.
Saciid Qasaali: “Dhulkii ahaa caadiga dadka waa ku qanci ilaa caaqiraa la isla galay miyaa?. Waar meeytadii xataa miyay nabad-gali wayday.”