FALCELIN xoogan oo ka dhalatay safarka MW Xasan Sheekh ee Talyaaniga

0
40

Muqdisho (caalamka.net) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa halkaas uga qeyb-galaya shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya magaalada Roma.

Shirka ugu weyn ee ka qeyb-galkiisa uu madaxweynuhu u tegay Talyaaniga waa ‘Madasha Geeska Afrika iyo Talyaaniga’ oo ka furmeysa Roma, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka qayb-geli doono shirka kale oo ay qabaneyso QM, kaas oo looga hadli doono la dagaalanka cunto yarida iyo ka hor tagga macaluusha.

Haddaba sidee looga falceliyay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Talyaaniga?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay safarkaan, ayada oo qaarkood ay boggaadiyeen, halka kuwa kalena ay ku mucaaradeen madaxweynaha, iyaga oo sababta ku sheegay inuu badiyay safaradiisa.

Cabdullaahi Shiilow oo kamid ah dadka falceliyay ayaa yiri “UN FAO ma heer Caalimi ayay noqotay?”

Saciid Cali ayaa isuguna taageeray safarka madaxweynaha “Wallee Somalia madaxweyne fiican ayay heshay wakaas dalkii dunida la jaan qaaday”

Mukhtaar Raage ayaa dhankiisa ku jawaabay “Shirka uu ka qeybgalayo iyo cidda uuu watto isma lahan wasiirkii ku shaqada lahaa dhamaa laga tagey”

Bashiir Xuseen ayaa isna yiri “Guuleyso mudane MW. Lkn socodka yarey oo u kuurgal dalka xoreyntiisa.”

Diiriye Axmed ayaa isna sheegay in madaxweynuhu uu qaraab tegay “Hasan Sheikh wuu ku jira qarabashom Somalia ilahay baa u maqan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here