Hargeysa (caalamka.net) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay go’aankii kasoo baxay guddiga Komishinka Doorashooyinka Somaliland.
Guddoomiye Waraabe ayaa ka horyimid jadwalka doorashooyinka ee guddiga uu ku sheegay in doorashada ururrada ay horeynaysa, ayna dambeysaneyso tan Madaxtooyada, oo mucaaradka uu rabay inay soo hormarto.
Waraabe ayaa uga digay Muuse Biixi iyo guddiga doorashooyinka, halka ay ku wadaan Somaliland, islamarkaana aysan aqbaleyn doorasho aan ahayn doorashada madaxtooyada.
“Maanta ayay u darnaayeen oo waxa ay yidhaahdeen ururro ayaanu samaynaynaa, adduunka ma urur ayaa ka dhaca, waxa la raba in anaga meesha nalaga saaro,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Waxa uu sheegay in nidaamka ururada cusub lagu furay uu yahay mid aan shaqaynayn oo aan la aqbali karin, lagana leeyahay qorshe Muuse Biixi uu xukunka ku dheereysanayo.
“Waxa caddaatay in kooxdani aanay cid kaleba u ogolayn xukunka, sharcigii aynu qoronay meel ayay iska dhigeen walaalayaal,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale waxa uu xukuumadda madaxweyne Biixi ku eedeeyay in ay isku darsatay wax qabad la’aan, xukun jacayl iyo qabyaalad, ayna dabada ku hayso guurtida oo uu sheegay in sharci darro ku joogto, xilli horay muddo kordhin ugu sameeyeen.
“Waxgaradka iyo culimada waa inay u tagaan madaxweyne Biixi, kuna qanciyaan inuu ka horyimaado go’aanka guddida doorashooyinka, uuna qabto doorasho madaxweyne,” ayuu yiri Faysal oo baaq u direy wax-galka reer Somaliland.
Arrimahan ayaa uga soo diraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagneyd gudaha Somaliland, taasi oo salka ku haysay kala horeynta labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada.
Mucaaradka ayaa horay si adag uga horyimid in lasoo hormariyo doorashada Xisbiyada, ayna tahay in marka hore loo dareero doorashada Madaxtooyada, halka uu taasi badelkeeda ay u ololeynaysay xukuumadda Muuse Biixi, taasi oo ugu dambeyntiina sida muuqata u meel-