Baydhabo (caalamka.net) – Magaalada Baydhabo waxaa laga soo warinaya sicir-barar iyo xaalad adag oo ay sababtay go’doomin ay magaalada ku sameeyeen kooxaha argagixisada.
Ganacsatada magaalada Baydhabo oo raashinka uga soo dego dekedda magaalada Muqdisho ayaa awoodi la’ inay magaalada galiyaan badeecada, waxaana muddo toban cisho ka badan xayiran dhamaan gaadiidkii adeegyada u siday magaalada Baydhabo.
Raashin iyo gaadiid kaliya ma ahan waxay kooxdu diiday in magaalada la galayo, sidoo kale waxay kooxdu diiday wax soo saarkii ka imaanayay banaanka magaalada, sida caanihii, xoolihii, malabkii iyo waxkasta oo magaalada Baydhabo lasoo galin jiray.
Jihooyinka oo dhan ayay fadhiisteen. Arrintan ayaa sababtay inay wax walba saddex jibaar kor u kacaan xaga qiimaha. Boqolaal kun oo barakacayaal ah ayaa sidoo kale degan magaaladaan, waana dhibaato horleh go’doominta iyo cuna-qabateynta ay argagixisada ku sameysay magaalada Baydhabo.
Waa markii koowaad oo ay magaalada sidaan ku sameeyaan laakiin deegaanada kale ee Koonfur Galbeed sida; Xudur, Waajid iyo Ceelbarde ayay hore sidan oo kale u cuna-qabateeyen.
Sababta keentay go’doominta magaalada Baydhabo ayaa warar kala duwan ka imaanayaan, waxaase ugu muhiimsan in maamulka Koonfur Galbeed uu xiray koox macalimiin iyo maamulayaal iskuul iskugu jira oo ajiibay amar u yeeris ah oo kaga yimid kooxda Al-Shabaab.
Kooxda ayaa la sheegay inay ka caratooy in la xiray xubnihii u tegay ee ajiibay amarkooda. Waxaa jirtay xilli ay 80 KM magaalada u jireen oo ay middaan oo kale sameyn karin, laakiin maanta aad ayay magaalada qarka ugu saaran yihiin.
Haddaba maxaa la gudboon dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed?
1. Foojignaanta xaalad bini’aadannimo
Inay magaaladu sidaan go’doon usii ahaato oo aanay dadka helin raashin, waxay dhalin karta xaalad bini’aadannimo oo deg deg ah. Dowladda federaalka ah, maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha samafalka waa inay usii gaashantaan arrintaas imaan karta haddii aan la helin xal deg deg ah.
2. Ciidanka dowladda federaalka iyo midka maamulka Koonfur Galbeed
Koonfur Galbeed waxaa jooga ciidan fara badan oo labada heer dowladeed ah, waqtiyadii hore waxaa kooxda lagula diriri jiray dhul ka fog magaalada Baydhabo, si aanay magaalada usoo hunguriyeyn ama iskugu dayin fal sidaan u guracan.
Ciidanka dowladda federaalka iyo midka maamulka Koonfur Galbeed ee jooga gobolka Baay, gaar ahaan Baydhabo iyo nawaaxigeeda waxay ku qasban yihiin inay bilaabaan dagaal aan daahin, si loo furo waddooyinka soo gala magaalada.
Dowladda dhexe iyo maamulka waxaa la gudboon inay taas deg deg diirada u saaran.
3. Wejiga labaad ee dagaalka guud
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lasoo warinaya inay dhawaan rabaan in Galmudug ay ka bilaaban wejiga labaad ee dagaalka, laakiin marka la eego xaalka laga soo warinayo magaalada Baydhabo iyo guud ahaan degmooyinka Koonfur Galbeed.
Waxay dad badan qabaan in wejiga labaad ee dagaalka lala aado dhanka Koonfur Galbeed, oo shacabkaas culeyska laga dabciyo.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli ka hadlin dhibaatadaas, waxaana xooggan baaqa shacabka ee ah in xaaladda Baydhabo laga dhigo kiis gaar ah oo deg deg ah.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale muujin culeyska arrintaan iyo waxa ka dhalan kara haddii aan dhaqso loo wajahin.