Golaha Aqalka Sare oo markii u horeysay xubin ku yeeshay baarlamaanka Afrika

0
60

Muqdisho (caalamka.net) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xubin rasmi ah ku yeeshay Baarlamaanka Afrika (Pan-Afrika).

Baarlamaanka Pan-Afrika oo la aas-aasay 2004-tii, ayaa waxaa ku mideysan 54 dal oo midkiiba uu shan xubin oo iskugu jira labada aqal ee baarlamaanada wadan kasta u soo diro.

Senator Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo matalaya Aqalka Sare ayaa markii ugu horraysay xubin ka noqday Baarlamaanka Pan-Afrika oo xilkaasna si rasmi ah loogu dhaariyay.

Senator Samatar ayaa markii la dhaariyay kadib warbaahinta uga warbixiyay wax yaabihii looga hadlay kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka lixaad ee Pan-Afrika maadaama uu ka mid ahaa mudanayaashii ka qeyb qaatay doodihii iyo ajandayaashii looga dooday.

“Meeshan waa baarlamaan cod lagu yeelan karo oo umadda Afrika na-bari kara oo in ka badan 30 sano naga maqneyd,” ayuu yiri Senator Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

“Halkan ayaa la iskugu yimaada sanadkii laba jeer, sanadkan waxaa kow ka ahaa arrinta cimiladda iyo sidii baayacmushtarka Afrika la isagu furi lahaa oo xuduudaha loo fududeyn lahaa, arrinta Sudan ayaa sidoo kale kamid ah.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dhaqaalaha iyo Baayacmushtarka waa kala labo, waxyaabaha doodda na dhex-martay waxay aheyd wax soo saarka ha laga hadlo inta aan laga hadlin isweydaarsiga, haddii uusan wax soo saar jirin, isweydaarsi iman maayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here