Guddoomiye Haashim Shareere ‘oo shirqool lagu dilay’ wararkii ugu dambeeyay

0
31

Wanlaweyn (caalamka.net) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay gobolkaas lagu dilay guddoomiyaha ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka degmada Wanlaweyn, Marxuum Haashim Maxamed Shareere.

Ilo saaxiib lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in xalay saq-dhexe ay kooxa ku dileen tuuladda Buulo Xaashi ee degmada Wanlaweyn.

Wararka ayaa sheegaya in warbaahinta lagala dagay gaari uu la socday oo ka baxay magaallada Muqdisho, isla-qaadkii la geeyay magaalada oo lagu khaarijiyay.

Eehellada marxuumka ayaa shaaca ka qaaday in uu dilka dhacay abaare 1:00 habeenimo ee saq-dhexe, isla-markaan shirqool lagu dilay, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale waxaa goobta uu falku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo laga soo abaabulay halkaasi, ayaga oo la geeyay Wanlaweyn.

Ciidamada ayaa sidoo kale sameeyay sameeyay kooban oo ay ku baadi goobayeen raggii ka dambeeyay dilkaasi, balse ma jirto illaa iyo hadda ay gacanta ku dhigeen.

Lama garanayo haybta kooxda dilka ka dib oo baxsatay iyo sababta loo dilay Marxuum Haashim Maxamed Shareere oo ahaa guddoomiyaha ku ixgeenka arrimaha bulshada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Degmadan ayaa waxaa marar badan kusoo laalaabtay murano salka ku haya maamulka iyo dagaal beeleedyo, kuwaas oo saameyn ku yeeshay horumarkii guryaha,

Si kastaba ha ahaatee, Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda aya waxaa horay uga dhacay fal dambiyeedka iyo sidoo kale warqaddii digniinta bixinta iyo labada intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here