Imaaraadka oo fal yaab leh ka fuliyey 18 dal oo Yurub ah iyo caro xooggan oo ka dhalatay

0
34

Brussels (caalamka.net) – Belgium ayaa u yeertay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalkaas, kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegaya in Abu Dhabi ay ku lug leedahay olole sumcad dil ah oo lagu doonayey in ugu yaraan 1,000 qof oo ku nool Yurub lagu xiriiryo ururka Ikhwaanul Muslimiin.

Kooxda Iskaashiga Baariista Yurub ee loo soo gaabiyey EIC ayaa warbixin ay daabacday Jimcihii ku sheegtay in Imaaraadka Carabta uu beegsaday shaqsiyaadkan oo ku kala nool dalal badan oo Yurub ah, taasi oo qeyb ka aheyd olole sumcad dil ahaa oo ka dhan ah Qatar, intii uu jiray khilaafkii dalalka Khaliijka.

Intii u dhaxeysa 2017 illaa 2020, Alp Service, oo ah shirkad sirdoon oo gaar loo leeyahay, fadhigeeduna yahay Switzerland, ayaa abuurtay galka dad ku kala sugan 18 dal oo Yurub ah iyo 400 oo urur, ayada oo wakiil ka ah sirdoonka Imaaraadka Carabta, sida lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta waxaa saldhig u ah 78,000 oo dokumentiyo sir ah, oo ay heshay warbaahinta Faransiiska ee Mediapart, lana wadaagtay EIC.

Dukumentiyada waxaa ka mid ah magacyada boqolaal shaqsi oo laga sameeyey naqshado sawiro oo la xiriirinaya xagjirnimo.

Wasiir la beegsaday

Illaa 80 urur iyo 160 qof oo dadkaas ka mid ah ayaa kasoo jeeda Belgium. Waxaa ka mid ah Zakia Khattabi, oo ah wasiirka deegaanka iyo joogteynta ee federaalka.

Khattabi ayaa u sheegtay warbaahinta Faransiiska ee Le Soir inay rajeyneyso in baaritaanka “uusan qarash badan ku bixin, sababtoo ah wax walba waa been abuur.” Waxay sheegtay inaysan wax xiriir ah la lahayn Ikhwaanul Muslimiin.

Xisbigeeda, Ecolo, oo sidoo kale ku jira liiska, ayaa si xooggan ugu cambaareeyey Imaaraadka ku lug lahaanshaha lagu tuhunsan yahay.

“Tallaabada Imaaraadka Carabta, ayada oo dhex-mareysa shirkadda Swiss-ka waa fadeexad. Waxa ay astaan u tahay dhaqanka ka dhanka ah dimoqraadiyadda ee taliskan,” ayuu yiri xisbiga Ecolo.

 “Natiijooyinka sida iska cad waa kuwa nacasnimo ah oo lagu qoslo oo aan u qalmin jawaab ama dareen.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Belgium ayaa u yeertay safiirka Imaaraadka Carabta ee Brussels, waxayna ka dalbatay “sharraxaad buuxda iyo faah-faahin,” ayey wasaaradda u sheegtay Middle East Eye.

“Waxaan ka xunnahay oo cambaareyneynaa eedeymaha aan loo qiil dayin, sida kuwa ka dhanka ah wasiir Khattabi,” ayey ku dartay.

Imaaraadka oo bixiyey €5.7m

Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta ayaa lacag 20,000 iyo 50,000 oo euro ah ku bixiyey qof kasta oo la beegsaday, sida uu sheegay Le Soir. Imaaraadka ayaa guud ahaan shirkadda Alp iyo madaxeeda Mario Brero siiyey ilaa 5.7 milyan oo Euro

Alp ayaa billowday olole warbaahineed. Waxay wax ka beddeshay bogagga Wikipedia ee shaqsiyaadka la beegsaday, waxayna isku dayday inay bankiyo ka dhaadhiciso in la xiro akoono gaar ah.

In ka badan 200 oo qof iyo 120 urur oo kasoo jeeda Faraniiska ayaa waxaa loo sameeyey galal ay abuurtay Alp, sida ay sheegtay Mediaport. Waxaa dadkaas ka mid ah musharaxii hore ee madaxweyne Benoit Hamon. 

“Tan iyo markii aan isku sharxay madaxweynaha, hal fariin xitaa kuma daabici karo baraha bulshada iyada oo aan la igu weerarin khayaali aan macquul ahayn iyo eedeymaha ah inaan xiriir la leeyahay Islaamiyiinta,” ayuu u sheegay Mediapart.

Saraakiisha Imaaraadka Carabta ma bixin wax jawaab ah markii ay sidaas ka codsadeen kooxda EIC.

Sirdoonka Alp ayaa sheegay in warkan saldhig looga dhigay “xog la xaday”, waxayna sheegeen in sidoo kale qeybo ka mid ah dokumentiyada “la been abuuray”.

Bishii March, wargeyska New Yorker ayaa weriyey in Imaaraadka Carabta ay maal-geliyeen olole ay fulisay Alp si loo sumcad dilo hay’adda fadhigeedu yahay UK ee Islamic Relief, islamarkaana mas’uuliyiinta ururkaas loola xiriiriyo Ikhwaanul Muslimiin.

Sida lagu sheegay warbixinta, Alp ayaa isku dayday inay Heshmat Khalifa, oo horey xubin uga ahaa ururkaas, ay ku xiriiriso argagixisanimo, kadib shaqadii uu ninkan oo u dhashay Masar kasoo qabtay Bosnia, sagaashamaadkii.

Sannadkii 2014, Imaaraadku ayaa Islamic Relief ku daray liiska 86 koox oo “argagixiso” oo la mamnuucay, waxaana weheliyey dhawr urur oo Muslim ah oo caan ah, oo uu ku jiro Golaha Xiriirka Islaamka Maraykanka.

Abu Dhabi waxay Islamic Relief ku eedaysay inay tahay garab ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin, eeddaas oo Islamic Relief ay beenisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here