Baardheere (caalamka.net) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ugu dambeyn ay Jubbaland la wareegtay ciidamo maleeshiyaad ah oo bilihii lasoo dhaafay lagu tababarayay gudaha magaalada Baardheere oo ka tirsan gobolkaasi.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macallimuu) oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaasi ay la wareegeen maamul ahaan, ayna hoostagi doonaan dowlad goboleedka Jubbaland.
Macallimuu ayaa sheegay in ciidamadan ay ahaayeen kuwo ay uruuriyeen siyaasiyiin kale, balse haatan lagu daray kuwa daraawiishta ee Jubbaland.
“Ciidankaas wuxuu ahaa ciidan ay dad kale uruuriyeen haddana iyaga oo sidoodii ah waa lala wareegay, waa dhalinyaro Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay dalka difaacaan” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ay ka howlgeli doonaan deegaanka iyo sidoo kale meelaha ay ka socdaan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee dhulka Jubbaland
“Hadda dowlad goboleedkaa la wareegay waxaa laga dhigay ciidamada daraawiishta Jubbaland, sidooda ayayna u shaqeynayaan deegaanka ayayna ka howlgeli doonaan” ayuu sii raaciyay.
Maleeshiyaadkan oo horay shaki looga muujiyay ayaa waxaa in muddo ah tababar ku qaadanayay gudaha degmada Baardheere, waxaana kamid ah siyaasiyiinta ka dambeeyay uruurinta ciidankaasi, Senator Cabdullaahi Ismaaciil (Fartaag) iyo Wasiir Cabdirashiid Janan, kuwaas oo sheegay inay ciidankaas ay la dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab.
Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo oo sii hadlaya ayaa xusay in haatan ay dib usoo celiyeen mashaariicyadii gobolkaasi, si looga faa’iideeyo dadka shacabka
“Hadda mashaariicda gobolka dib ayaa loogu fasaxay Baardheere illaa saddex mashruuc ayaa laga dhagax dhigay, waxaana daah-furay wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland, marka shaqada si wanaagsan ayay u socotaa” ayuu mar kale guddoomiye Cismaan Nuux Xaaji.
Qorshahan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Jubbaland haatan ka wado gobolka Gedo oo ay inta badan la wareegtay, kadib markii ay dhowaan usoo magacowday maamul cusub.