Khadiija Diiriye oo shaacisay in munaasabada 1-da Luulyo looga xaday…

0
41

Muqdisho (caalamka.net) – Wasiirka haweenka iyo xuuqul insaanka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xalay laga xaday taleefankeedii gacanta, intii ay socotay munaasabadda xuska kowda Luulyo oo lagu qabtay xarunta Villa Soomaaliya.

Muuqaal kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay wasiir Khadiijo oo taagan masraxa xafladda, isla-markaana raadineysay taleefankeeda.

“Taleefoon yaa inta ka qaaday?” ayey ku tiri muuqaalka la baahiyay oo si u weyn u qabsaday baraha ay ku wada xiriirto ee Internet-ka.

Sidoo kale waxa ay dadka meesha joogay weydiisay cidda qaatay moobeylkeeda oo ay saaratay miis yar oo meesha yiilay.

“War taleefankeygii yaa qaaday intaan ayaa meesha joogtee?” ayay mar kale cod dheer ku tiri, Khadiijo Maxamed Diiriye.

Ma cadda in taleefanka ay mar dambe heshay iyo in kale, balse waxaa ku dhacay jahwareer, maadaama ay kaamirada soo qabatay, ayada oo qaylineysaa, isla-markaana raadineysa taleefankeeda gacanta.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana kamid ah dadka ka falceliyay siyaasiga caanka ah, Cali Yari Cali, wuxuuna yiri “War toloow Mobile-ka Khadiija hala keeno. “Intiinaanaa meesha joogtay” miyay tiri ? Waa Mention gareyn kartaa qofkaa tuhmeeyso”

Waxaa sidoo kale ka hadlay dhalinyaro badan oo isticmaala baraha bulshada, sida Barwaaqo Xuseen oo tiri “Madaxtooyo Mobile lagu xadayo Inalilaah war somalia cilmi badanaa”.

“Waa Musuq Maasuqii oo Practical ah. Waxaanse ka cabsi qabaa in wax lasoo qarxiyo” ayuu isna yiri wiil lagu magacaabo, Garaad Yaasiin.

“Wasiirad dhan oo meesha kadhax qeylinee oo leh yaaqaaday talefankeeygi waa wax aad loola yaabo” ayuu isagana yiri Soulman Oscar Jr.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here