Garoowe (caalamka.net) – Kornayl Jimcaale Jaamac Takar ayaa maanta duleedka magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal kusoo bandhigay dhoola-tus millateri, xilli uu dagaal kula jiro madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Kornayl Jimcaale oo isku aqoonsan taliyaha ciidanka madaxa-banaan ee kumaandooska DANAB ayaa waxa uu tababar usoo xiray maleeshiyo beeleed kusoo biiray maalmo kadib dagaalkii daba-yaaqada bishii hore ka dhacay magaalada Garoowe oo ah caasimadda maamulka Puntland.
Sarkaalkan ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ayaa waxa uu si adag uga horyimid qorshaha uu madaxweyne Saciid Deni uu ku doonayo furista Dastuurka, isagoo Deni ku tilmaamay inuu yahay musharax.
“Ma ogolin in la furo Dastuurka, Deni waa musharax, oo xaq uma lahan qaabeynta doorashada iyo furista Dastuurka midnaba,” ayuu yiri Kornayl Jimcaale oo meel adag iska taagay qorshaha madaxweynaha Puntland uu wado.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in ay dagaal la galaan, haddii la isku dayo in la furo Dastuurka maamulka Puntland, xilli dhawaan uu dagaal ka dhacay magaalada Garoowe.
“Puntland Dastuurkeeda in la furo waa ka dagaalanay mana aqbalayno. Wax allaale wixii aan ka dagaallanay oo aan diidnay ee dad inagaga dhintay ma aqbalayno.”
Sarkaalkan ayaa waxa uu ku goodiyay inuu qaadayo tallaabo lamid ah middii uu horey u qaaday haddii uu Deni iyo xulafadiisa aysan ka laaban damacooda guracan ee wax looga beddelayo Dastuurka maamulka.
Dhoola-tuska millateri ee Kornayl Jimcaale uu ka sameeyay duleedka Garoowe iyo hanjabaada cusub ee diray ayaa imaneysa, xilli maalinta berri ah lagu wado in baarlamaanka Puntland uu kulankiisi yeesho, una coddeeyo qodobbada wax laga beddelayo Dastuurka.
Si kastaba, Arrimahan ayaa kusoo aadaya xilli aysan wax natiijo ah kasoo bixin waan-waan ay muddooyinkii dambe wadeen Isimida dhaqanka Puntland, taasi oo xal loogu raadinayay khilaafka xooggan ee u dhaxeeya xukuumadda Deni iyo mucaaradka ee arrimaha doorashada.