Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray amar saameynaya reer Muqdisho

0
54

Muqdisho (caalamka.net) – Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu shaaciyay awaamiir culus oo qaarkood si toos ah u sameynaya shacabka magaalada Muqdisho, gaar ahaan milkiilayshaaha guryaha ku leh caasimada.

Afhayeenka gobolka Banaadir, Saalax Dheere oo amarradan la wadaagay warbaahinta ayaa marka hore digniin u diray shirkadaha heshiiska Qandaraas kula jira Dowladda Hoose ee Xamar.

Saalax Dheere ayaa xusay in shirkadaha la siiyay fursad 30 cisho ah, haddi ay ku dhaqaajin waayaan heshiiska Qandaraas ee loo saxiixay lagala noqon doono.

“Shirkadaha waxaa lala socod siinayaa haddii ay muddo soddon maalmood ah ku dhaqaajin waayaan howlihii loo igmaday in dib loogala noqon doono heshiiskii qandaraas ee lala galay,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay wariyeyaasha.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in 30-ka bisha May dib u eegis lagu sameyn doono heshiiska uu maamulka gobolka Banaadir horay ula galay shirkadda qaabilsab nadaafadda, wuxuuna sheegay in qiimeyn guud lagu sameyn doono shaqadeeda nadaafadda Xamar.

“Fiiro gaar ah shirkadda ka shaqeysa nadaafadda Muqdisho ee heshiiska kula jirta maamulka gobolka Banaadir waxaa dib u eegis lagu sameyn doonaa 30-ka bisha May sanadka 2023-ka, sida ay horay ugu heshiiyeen maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in amar adag la dul-dhigay milkiilayaasha guryaha burbursan ee ku yaalla magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in maamulka uu faray in muddo 90 cisho ah ay ku dhisaaan guryahooda, si ay qayb uga noqdaan bilicda caasimada.

“Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo ka duulaya bilcda caasimada iyo ka hortegga waxyeelada guryaha burbursan ay u geystaan bulshada ayaa wuxuu milikiilayaasha guryaha burbursan ku leh magaalada Muqdisho ku wargelinayaa in muddo 90 maalmood gudahood ah ay ku dayactirtaan guryahooda,” ayuu sii raaciyay.

Maamullada degmooyinka ayaa sidoo kale la faray inay waajibaadkooda ka gutaan dib u dhiska guryahaas, isla-markaana ay milkiilayaasha u fududeeyaan dib u dayactirka.

Amarkan ayaa dad badan oo ka mid ah reer Muqdisho saameyn doono, kuwaas oo qaarkood aysan awoodin inay haatan dib u dayactiraan gurayhooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here