Garbahaarey (caalamka.net) – Shacabka ku dhaqan deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ayaa weli dhibane u ah duqeymo ay diyaarado dagaal ka fuliyaan halkaasi.
Mid kamid ha dadka deegaanka oo la hadlay Idaacdda BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in magaaladaan oo ku taalla koonfurta Soomaaliya ay duqeyntu ku socoto muddo lix sanno ah, isla-markaana aysan wax garab ah ka helin dowlada dhexe ee federalka iyo cid kalaba.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xaalad adag ay ka jirto Ceel Cadde, isla-markaana ay mar kasto ka dhacaan duqeymo aan loo meel dayin oo lalala beegsado gudaha magaaladaasi.
“Xaalad adag baa halkan ka jirta oo dad maato ah guryahooda deggan ayaa muddo sanado ah waxaa ku socday duqeymo aan loo meel dayin oo dadka guryahooda lagu beegsanayo” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo wareysi siiyay Laanfa Soomaaliga ah ee BBC.
Weerarkii ugu dambeeyay oo dhacay todobaadkii hore ayuu sheegay inay ay ku dhinteen laba qof oo uu jiro Aabhiis, sidoo kale ay ku dhaawacmeen 12 kale.
“Labadii duqeymood ee u dambeeyay oo mind siddeed gantaal guryo xaafado magaalada lagu dhuftay oo dad shacab ah ay dagan yihiin waxaa ku dhaawacnay illaa 12 qof inta aan hadda ognahayna waxaa ku dhintay 2 ruux oo allaha u xariistee Aabahey Sheekh Cabdiraxmaan uu kamid yahay” ayuu yirid mid kamid ah dadka deegaanka.
Duqeymahan dhanka cirka oo inta badan fuliyaan diyaaradaha dagaalka Kenya iyo kuwa Mareykanka ayuu sheegay inay argagax ku reebeen dadka deegaanka oo qaarkood isaga barakacay magaalada, halka kuwa kalena ay cabsi joogaan xaafadahooda.
“Dad shacabka aa argagaxeen dhibaati badan ayaa kasoo daristay miyiga ayay dadka u baxeen, dad badan oo weli guryahooda ku sugana waa jiraan” ayuu sii raaiyay.
Ceel Cadde ayaa waxaa horay uga dhacay weerar askar badan looga laayay dowladda Kenya, kaas oo ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, waxaana tan iyo markaas ay duqeymo xoogleh ku socdeen deegaankaas iyo tuulooyinka ku xeeran oo la rumaysan inay ku sugan yihiin xoogaga Al-Shabaab oo inta badan soo weerara ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.