Mareykanka, UK iyo Qatar oo malaayiin dollar ku caawinaya Soomaaliya

0
67

Muqdisho (caalamka.net) – Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Qatar ayaa ku dhowaaqay taageero dhaqaale oo ay iska kaashanayaan saddexdaan dal, isla-markaana lagu caawinayo Soomaaliya, si wax looga qabto abaaraha weli ka jira gudaha dalkeenna.

Lacag dhan 10.5 milyan oo doolar oo ah gargaarka abaaraha iyo u adkeysiga, ayaa la siin doonaa dowladda federaalka iyada oo ay iska kaashanayaan Sanduuqa Horumarinta Qatar, Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka iyo Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

Taageeradan dhaqaale ayaa lagu doonayaa in looga hortagga macluusha Soomaaliya iyo wax ka qabashada saamayntii ka dhalatay abaarahii Soomaaliya ku dhuftay 2021 iyo 2022.

Sidoo kale ilaa 6.6 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ayaa ah cunto yari aad u daran taas oo ay ugu wacan tahay abaaraha iyo rabshadaha ka dhashay colaadaha.

Ergeyga Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo ka hadlay iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid muhiim ah, balse waxa uu qiray in Soomaaliya aysan ku filneyn intaasi loona baahan yahay taageero kale si xal waar loogu helo dhibaatooyinka gudaha ee weli ka jira dalkeenna.

“Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini’aadantinimo oo keliya ma xallin karo dhibaatada ka jirta Soomaaliya,” ayuu yiri Mike Nithavrianakis.

Soomaaliya waxaa ku barakacay in ka badan saddex milyan oo qof, tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkii hore 2022-kii kadib abaaro, fatahaado iyo colaado soo laabtay.

Si kastaba, in ka badan 500,000 oo caruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa halis ugu jira inay dhintaan ama ay wajahaan nafaqo-xumo ba’an sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here