Maxay tahay sababta guddi loogu saari waayey weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad?

0
35

Muqdisho (caalamka.net) – Todobaad kadib weli lama magacaabin guddi rasmi ah oo daba-gal ku sameeya weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo dhacay Isniintii lasoo dhaafay kaas oo lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo ku sugnaa xeradaasi.

Xidlhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay arrintaan, isaga oo su’aal ka weydiiyay guddoonka sare ee baarlamaanka.

Maareeye ayaa shaaca ka qaaday in dhacdadaan ay ka doodeen xildhibaanada, ayna isku raaceen in loo saaro guddi baarlamaani ah, balse illaa iyo hadda aan la dhisin.

“Ficilkii argagixisada ahaa ee ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad, xildhibaano tobaneeyo ku dhow ayaa halkan ka hadlay, mooshina waa la keenay waxaa la’isku waafaqay in guddi baarlamaani ah loo saaro arrintaas oo la socdo sida sharciga qabo kormeera oo dabagal ku sameeyo baarista ficilkaas ka bacdi cid ka wada-hadashay lama arkin, guddigiina guddoonku ma soo saarin, marka arrintaas sidee wax u jiraan? ” ayuu yiri Maareeye.

Intaasi kadib guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka jawaabay su’aashan, wuxuuna tilmaamay in guddoonku uu qaaday tallaabo wanaagsan, isla-markaana ay daba joogan sidii ay wax u dhaceen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in baarlamaanka ay kusoo celin doonaan natiijada, isaga oo sheegay in saraakiisha ay dadaalayaan, uuna socdo baaritaan rasmi ah.

“Runtii tallaabooyin aad u wanaagsan waa la qaaday, annagana waa daba joognay, haddii weli guddi loo baahan yahay annaga ayaa dib isku sii arkeeno guddoonka haddii weli sidii baahida u taagan tahay waan sameyneynaa, haddii wax lagu qancay la qabtayne jawaab ayaa naga heleysiin” ayuu isna ku jawaabay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ay socoto baarista weerarkii Al-Shabaab ee Kuliyadda Jaalle Siyaad oo la rumeysan yahay in kooxda lagala shaqeeyay qaraxaasi.

Si kastaba, madaxda wasaaradda Gaashaandhigga oo maanta hortegay Golaha Shacabka ayaa sheegay in dhacdadaas loo soo xiray 14 qof oo isugu jiro saraakiil iyo askar, kuwaas oo uu kamid yahay taliyihii maamulayay xerada la weeraray ee Kuliyadda Jaalle Siyaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here