Garoowe (caalamka.net) – Xubnaha mucaaradka Puntland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulkaasi, wuxuuna dacwad culus u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ah ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Guuleed Saalax Barre oo ah Guddoomiyihii hore ee Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, kana mid ah mucaaradka ayaa shaaciyay inay dacwaddan ay gudbiyeen illaa 30 siyaasi kasoo jeeda Puntland, isla-markaana ujeedka uu yahay wax laga qabto gabood fallo u sheegay inuu ku kacay hoggaanka Puntland, gaar ahaan xukuumadda Saciid Deni.
“Saaka waxaan gudbinay gal-dacwadeed aan u gudbinay maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland, dacwadaaa waxaa gudbiyay illaa in ku dhow 30 siyaasi oo reer Puntland, Dacwaddaas waxay ka dhan tahay gabaddoo falladii aanu u rakeynay hoggaanka hadda xukunka haayo uu ku kacayay taas oo kasoo horjeeda dastuurka” ayuu yiri Guuleed Saalax.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kalsooni ku qabanaa maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland, isla-markaana ay qabatay dacawadda ay maanta u gudbiyeen.
“Waxaan aaminsanahay hay’ad umad u dhexeysa, waxaana lasoo kalayay guddoomiyaha maxkamadda sare iyo ku xigeenkiisa, waxayna naga ballaan qaadeyn inay dacwaddaas geli doonaan” ayuu sii raaciyay.
Waxaa sidoo kale kiiskan faahfaahin ka bixiyay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo kamid ah musharixiinta u hanqal taagaya hoggaanka Puntland, wuxuuna tilmaamay in dacwadooda ay tahay mid ka dhan ah xukuumadda iyo baarlamaanka oo uu ku eedeeyay inay jabiyeen dastuurka lagu heshiiyay.
“Shirkaan jaraa’id waxaan u qabaneynaa inaan la socod siino warbaahinta iyo Ummadda Soomaaliyeed inaanu maxkamadda dastuuriga ah aan u gudbinay dacwad ka dhan ah Jabinta Dastuurka ee Xukuumadda & Baarlamaankuba ay ku kaceen” ayuu yiru Cawad.
Cawad ayaa intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in laga hortago colaad iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhacday Puntland, Soomaaliya.
“Ujeedada waxaa weeyey oo mas’uuliyiintan ay isugu yimaadeen in laga hortago colaad, xasiloomni la’aan iyo burbur” ayuu mar kale yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda.
Tallaabadan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xaalad cakiran ay ka taagan tahay magaalada Garoowe, taas oo ka dhalatay doorashada kusoo foodka leh Puntland, waxayna arrinta kasii dartay markii ay ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka, Cabdiweli Maxamed (Gaas) iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ay ka horyimaadeen damaca Deni.