Muqdisho (caalamka.net) – Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa is barbardhig ku sameeyay falkii Al-Shabaab ku qarxiyeen Masjidka Daaru-nimca ee Degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo falkii nin asalkiisu yahay Ciraaqi ku gubay kitaabka Qur’aanka kariimka oo ka dhacay dalka Sweden.
Ayada oo ay joogaan boolis tiro badan, ayaa Salwan Momika oo ah 37 jir usoo qaxay Sweden dhowr sano kahor, wuxuu Arbacadii ku istaagay Kitaabka Qur’aanka kahor inta aanu bogag ka mid ah dab ku hor qabadsiin Masjidka ugu weyn magaalada Stockholm.
Sidoo kale, Al-Shabaab ayaa deegaanka Daarunicma waxay ka burburiyeen Masjidkii ugu weynaa oo ahaa halka dhisme oo dhagax ah ee deegaankaas ku yaalla, kadib markii ay ku dhufteen gaari qarax ah, kaas oo sida caadiga ah bilow u ahaa weerarkooda.
Qoraal kooban ayuu labadan dhacdo uga fal celiyay guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, isagoo is weydiiyay waxa ay ku kala duwan yihiin falalka ay ku kaceen Al-Shabaab iyo ninka reer Ciraaq ee dabka qabadsiiyay Qur’aanka.
“Maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa waxaa magaalada Stockholm ee Dalka Sweden Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah dab ku qabadsiiyey Nin gaal ah oo asalkiisu yahay Ciraaq, isagoo la hortegay masjidka Magaaladaas. Maalintii sadexaad ee Ciidul Adxaa, Khawaarijta Al-Shabaab ayaa dab qabad siiyey Masjidka deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Kitaabadii Qur’aanka ee ku dhex jiray. Haddaba aan is-weydiinee maxay ku kala duwan yihiin labadaas dhacdo?,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Siyaasiga Muungaab.
Wuxuu farriin u diray dadka weli taageersan Al-Shabaab, isagoo qoraalkiisa ku yiri:“Qof waliba oo is-moodsiinayay in Khawaarijta Al-Shabaab ay Diin wadaan iyo Kuwa laga yaabo in ay weli taageero dhaqaale siinayaan Khawaarijta Al – shabaab haku quus qaateen