Maamulka Somaliland oo soo dhaweeyey baaqa Golaha Ammaanka ee joojinta dagaalka, abuurista xaalad nabadeed aan carqaladayn gargaar aadaminimo iyo xasilloonida Laascaanood ayaa ku adkaystay in xaqiiqada jirta si khaldan looga warhayo. Waxuu ku doodayaa in colaadda ay hurinayaan argaggixiso, inkastoo uusan soo bandhigin wax caddayn ah.
Dafiraada waxay muujinaysa in Maamulku uusan u hoggaansamaynin dalabka Golaha Ammaanka oo ah inuu si degdeg ah ugala soo baxo ciidamadiisa Laascaanood.
Tan iyo December 2022, Laascaanood waxaa ka taagnaa colaad sokeeye oo maalinba maalinta ka dambeysa sii adkaanaysa in wadahadal lagu gaaro xal macquul ah. Hoggaanka Somaliland waxuu ku fashilay inuu wax ka qabto dilal lagu beegsanayay taniyo 2007, haldooryada deegaanka. Waxuu bannanbaxyada dadku ku weydiisanayeen caddaaladda uga jawaabay rasaas nool oo lala dhaco. Quursiga shacabka ayaa sababay in xiisadda cirka isku shareerto oo ay gaarto: Ma rabno Somaliland.
Baaxadda colaadda iyo saamaynteeda barakac ayaa soo jiitay dhaleeceynta caalamka ka walaacsan in khilaafka isu rogo dagaal beeleed lagu hoobto. Maamulka Somaliland oo ka baqay natiijada shirkii looga arrinsanayay masiirka dadweynaha (Ceyn, Sanaag, iyo Sool) ayaa February 6, 2023, weerar ku qaaday magaalada si uu cudud ugu hor-istaago rabitaanka dadweynaha. Duqeymo aan loo meel dayin oo burburiyey kaabayaasha rayidka ee degmada ayay ciidanka Somaliland ka wadaan daafaha Laascaanood.
Maamulka Somaliland waxuu ku dhacay khaladaad taariikhi ah. Kacdoonka buluugga ee dadweynaha Ceyn, Sanag, iyo Sool, waxuu soo afjaray tijaabo toban sanadood qaadatay oo is-xukun rayad ah iyo dimuqraadiyad. Xisaabtan xumidda siyaasadeed ayaa soo shaac bixisay in beelaha waqooyiga Soomaaliya wada dega aysan wada qabin hammiga gooni isu-taagga Somaliland.
Sidoo kale, maalgashi shisheeye oo ku soo qulqulay ayaa hoggaanka siyaasadda ku yeeshay cawaaqib xumo soo bandhigtay inaan loo sinnayn awood qaybsiga.
Muuse Biixi waxuu aamusinta dalabaadka aayo ka tashiga dadka ku lumiyay riyadii wada-xaajood siman [Koonfur iyo waqooyi (Somaliland)] oo isku hor fariista sida “laba shacab iyo dowlado kala duwan”. Sidoo kale, awood isku dhiibka hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo amniga dib u soo kabanaya waxuu dhabar jab weyn ku noqday shisheeyaha u xusul doobayay ictiraaf. Balse, heshiiska lagu soo dhammeyay dagaalkii dhexyiil Dowladda Federaalka Itoobbiya iyo qawmiyadda Tigrayga ayaa soo afjaray kala qaybinta Soomaaliya.
Tiraabta ku salaysnayd in Waqooyi lagula kacay xasuuq ay u dhammaayeen nidaamkii Keligiitaliskii iyo shacbiga Koonfur oo ujeeddadiisu ahayd beerlaxawsi bulshada caalamka si loogu helo ictiraaf maamulka Somaliland waxaa cagta mariyay siyaasadda gurracan ee Muusa Biixi oo:
- Sababtay kacdoonka buluugga ah ee ka dhashay xasuuq iyo cabburun dadweynaha;
- Gaarsiiyay in Awdal in uu ka abuurmo dhaqdhaqaaq buluug-doon ah;
- Bannaanka soo dhigay maamulka Somaliland inuu yahay nidaam ku qotoma hal beel oo qura;
- Lumiyay doorashadii iyo xukun isu dhiibkii lagu yiqiinnay Somaliland oo lagu beddelay muddo kororsii.
Dhanka kale, qaraarka Golaha Ammaanka waxaa lagu dhawaaqay June 7, oo ah maalintii Soomaaliya laga saaray “UN trusteeship,” taas waxay hoosta ka xarriqaysaa midnimada dalka Soomaaliyeed inay tahay lama taabtaan. Si taas loo muujiyo waxaa qoraalka qaraarka loo adeegsaday magaca “Somaliland” oo wata astaanta labada bilood (quotation mark). Maamulka Somaliland waxuu halis u yahay cunaqabatayn soo dhaw misna sababtay in ictiraafkii aad usii fogaaday.
Colaad sokeeye oo raagta waxay horseeddaa inuu hubka gacanta u galo wax-ma-garatada waxaana ka dhasha fowdo iyo dagaal oogayaal nidaam diid ah. Somaliland waxay ku guuldaraysatay inay wax iska weydiiso dagaalkii sokeeye ee ragaadiyay koonfurta Soomaaliya.
Haddii Muuse Biixi iyo maamulkiisa aysan nabad ku raadin xal, dagaal ku soo xeraggelinta Laascaanood beddelin, waxaa laga yaabaa inay golaha ammaanka kaga mutaystaan ciqaab cunaqabateen, si loo baajiyo xasillooni darro ku faafta gobolka.