Hargeysa (caalamka.net) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay jeedinta 26 June oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa si lama filaan ah uga hadlay dagaalka weli ka socda Laascaanood.
Biixi ayaa shaah ka qaaday in dhibaatada ka taagan Laascaanood laga soo abaabulo gudaha, isla-halkaas laga gaystay dil iyo laba loo baahneyn.
“Maanta dhibaatada guriga laga soo agaasimay ayaa ku dhacday reer Laascaanood, qax aan loo baahneyn ayaa la geliyey, dil aan loo baahneyn baa dhacay, labada ciyaaryahan, weli la’isku weydiin muxuu ugu dhacay?” ayuu hadaladiisa ku yiri madaxweyne Biixi.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale tilmaamay in fursa aysan marnaba weerarin Laascaanood, balse weerarka lasoo weeraray, ayaa lagu difaacay.
“Somaliland horay umay dilin, haddana kumay duulin waxaa lagu dagaalaayey maalin qura Somaliland weerar ma qaadin xabadna kumay horrayn, tu lagu soo riday oo falday mooyaanee, shalay iyo maanta waxaa maxaabiista ayey nagu soo rideen” ayuu yiri.
Sidoo kale waxaa intaas ku daray in Laascaanood ay ka taagan yihiin ciidanka gaarka ah ee Puntland iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.
“Nimanka halkaa jooga maxa reer Laascaanood waa furaha Puntland, iyo sidoo kale askartii dawladaha shisheeye ee magaca gaarka ah ee magaalada Boosaaso, waxa kale oo jooga oo nina aan qarsoonayn unugyo kamid ah Al-Shabaab iyo oo guday u galay Laascaanood” ayuu mar kale hadalkiisa sii raaciyay.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay diyaar u tahay wada-hadal, isla-aas ay ku baaqeyso nabad iyo xabad joojin.
“Waxaa ku baaqeynaa, nabad, wadadahadal xabad joojin wax taa dhaama garan meyno” ayuu yiri khudbadiisa kusoo gaba gabeeyay madaxweynaha Somaliland.