Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay guddoomiyeyaashii hore ee BF? + Sawirro

0
39

Muqdisho (caalamka.net) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay kulan casho sharaf ah ku maamuusay guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay hoyga guddoomiyte Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa lagu casuumay saddex guddoomiye hore oo kala ah Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo weli ka tirsan Golaha, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Guddoomiyeyaasha oo deegaan kasoo wada jeeda Koonfur Galbeed ayaa kulankooda uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan Baarlamaanka, sida uu shaaciyay Aadan Madoobe.

“Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa laghu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska gudodomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sidoo kale Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay guddoomiyeyaashii hore sida ay usoo ajiibeen kulanka uu la yeeshay oo sidoo kale ahaa casho sharaf uu ku maamuusayay.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa saddexduba waxay kamid yihiin madaxda ka qayb-gashay shirkii madaxda dowlada federaalka & kuwii hore ee Khamiistii lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka oo ay inta badan dood ka keeneen xubnaha mucaaradka, waxaana shirka uu kusoo dhamaaday jawi degan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo ka dhalatay heshiiskaasi, iyo sidoo kale dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo galaya wajigiisii labaad.

Si kastaba, heshiiskan ayaa la filayaa in uu go’aan ka gaaro Baarlamaanka Soomaaliya, ayada oo haatan lagu wareejiyay guddiga dib u eegista, la-socodka iyo hirgelinta dastuurka si ay ugu soo shaqeeyaan, uguna dhigaan siiqad dastuur, ka dibna ay u horkeenaan fadhigga Golaha Shacabka Soomaaliya oo ugu dambeyn ka doodi doono heshiiskaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here