Muxuu ka dhigan yahay beegsiga xubnaha Shabaab ee ku dhex jira DF?

0
42

Muqdisho (caalamka.net) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan billowday howlgal lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku dhex jira hay’adaha dowladda.

Arrintan ayaa timid, kadib markii maalmihii dambe uu kordhay shakiga ka dhex jira hay’adaha amniga, ayadoo shalay wasiirka warfaafinta Daa’uud Aweys uu shaaciyay in laamaha amniga ay gacanta ku dhigeen ugu yaraan 10 qof oo basaasiin u ahaa Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dadkaan ay SOO qabatay hey’adda NISA, waxaana baxsaday laba nin oo ka tirsanaa hey’adaha amniga, kuwaas oo hadda la ogaaday inay la shaqey jireen Al-Shabaab.

Haddaba Muxuu ka dhigan yahay beegsiga xubnaha Al-Shabaab ee ku dhex jira dowladda?

Ismaaciil Cismaan oo ka faallooda ammaanka, horayna u soo noqdey taliye ku xigeenkii hay’adda NISA ayaa shaaca ka qaaday inuu aad ula yaabay arrintan, gaar ahaan labada nin ee baxsaday ee ka tirsanaa Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA).

Mid kamid ah raggan waxa uu tilmaamay inuu ahaa taliyaha hoggaanka ee howlgallada NISA, xilkaasna loo magacaabay sanad kadib markii uu kusoo biiray hay’adda.

“Waa arrin aan aad iyo aad ula yaabay run ahaantii labada nin ee la sheegay inay la shaqeynayeen, basaasna ay u ahaayeen Khawaarijta Al-Shabaab mid kamid ah oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad-Sugidda Cabdisataar waxaa la’ii sheegay inuu kooxda Khawaarijta Al-Shabaab kasoo galay sanadkii 2021-kii, hay’addana uu kusoo biiray sanadkii 2022-kii, hadda marka la waayay oo uu baxay la’ii sheegay inuu ahaa taliyaha hoggaanka ee howlgallada NISA,” ayuu yiri taliye ku xigeenkii hay’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya.

Wuxuu kusii daray “Marka sideedaba waxaa jirta maah-maah ay isticmaalaan dadka sirdoonka dhexdiisa oo ah Shabaab waa la galaa ee lagama baxo”.

Ismaaciil Cismaan ayaa sheegay in arrintan ay ka dhigan tahay inay jiraan rag laba shaare ah oo ka dhex shaqeeya dowladda iyo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in taasi ay keentay weeraradii uu dambeeyay ee ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Koley waxbaa dhacay wixii dhacay ayaana keenay inay jiraan rag labada dhinac ka shaqeeya, inkastoo tuhunkaas inta badan uu shacabka ka dhex jiray” ayuu yiri.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dalka uu ka socdo gluf ka dhan ah Al-Shabaab oo deegaano badan looga saaray, kaas oo haatan galaya wajigiisa labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here