Puntland oo qaaday tallaabo yaab leh oo ka dhan ah dayn cafinta Soomaaliya

0
41

Garoowe (caalamka.net) – Dowlad goboleedka Puntland, oo uu weli khilaaf xoogan kala dhexeeyo dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa dalab culus oo xasaasi ah u gudbisay hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka, kaas oo ku aadan arrimaha deyn cafinta.

Wasiirka maaliyadda maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Dhabancad oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in IMF iyo Bankiga Adduunka ay ka codsadeen in dib loo dhigo deyn cafinta Soomaaliya oo haatan meel wanaagsan mareyso.

Dhabancad ayaa sababta ku sheegay inay muhiim tahay in marka hore heshiis laga gaaro nidaamka dowlad dhiska Soomaaliya, si xal waara loogu helo maamulka maaliyadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in haatan qaabka ay wax ku waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay halis u keeneyso deganaasha Soomaaliya, maadaama aan heshiis lagu aheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in arrintan ay saameyn doonto GPD-ga dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha, sidaas daradeedna ay dalbanayaan in marka hore heshiis la gaaro.

“Haddii maanta IMF iyo World Bank dhahaan dalkii dayn cafin baan ku sameynay, oo 2 billion-dollar lasoo qaato, oo Soomaaliya lasoo galiyo, grants ama deeqihii caalamku bixinayeen ay istaagaan, hadhow maxay samayn ah ayay ku keenaysaa GPD-ga dalka, iyo dhaqaalaha dalka. Annagu waxaan rabnaa inuu dalku marka hore heshiis yahay,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda maamulka Puntland.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan khilaaf xoogan uu ka dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland, kaas oo sameeyay wada shaqeynta labada dhinac, waxayna arrintu kasii dartay markii uu madaxweyne Deni xiriirka u jaray maamulka dowladda dhexe.

Si kastaba, horay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya waxa uu u sheegay in khilaafka ka dhaxeeya Puntland iyo dowladda dhexe aanu saamayn ku yeelan doonin barnaamijla deyn cafinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here