Garoowe (caalamka.net) – Kadib booqashadii wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ay ku tagtay Garoowe, waxaa soo baxdey in wadahadlkii Puntland iyo dowladda federaalka ah oo khilaaf weyn u dhexeeyey uu dib u billaabmayo.
Catriona Laing ayaa Madaxweynaha Puntland ka codsatay in uu ka qaybqaato geedi socodka dowladnimada Soomaaliya, oo wadahadalka dib u billaabo.
Hase yeeshee, xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland ku adkeystey in aanu u aqonsaneyn kooxda Golaha Qadatashiga Qaran kuwo dastuuri ah oo gaari kara qodobo masiiri ah oo taabanaya dastuurka, laakiin wixii kala dhexeeya dowladda federaalka ah ay diyaar u yihiin in ay ka wada hadlaan.
Xogta ayaa intaas ku dareysa in Siciid Cabdullaahi Deni uu billaabey wadatashi ku aadan dib u billaabashada wada-hadalka, waxaana uu kulamo la qaatey guddigii wada xaajoodka ee uu magacaabey bishii Janaayo ee sanadkan 2023 iyo guddi khubaro ah oo ka soo talo bixinayey wada-hadalka iyo doodda Puntland qabto.
Guddigan oo ka kooban 22 xubnood waxaa hoggaamiya guddoomiye ku-xigeenka Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, waxaana ku xigeen u ah wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxaa.
Weli xog hoose lagama helin qodobada miiska u saaran madaxweyne Deni iyo guddiga oo haatan shirkoodu socd,o waxaase lagu wadaa in ay dhawaan guddigu warbaahinta la hadlaan.
Waxaa taasi xigi doonto in dhawaan Puntland ay soo bandhigto mowqifkeeda ku aadan wada-hadallada dowladda federaalka.
Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, Ra’iisul Wasaaraha, ku-xigeenkiisa iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa dhawaan soo saarey heshiis wax looga beddelayo hannaanka doorashooyinka dalkaas.
Heshiiskaas ayaa waxaa ka horyimid dhinacyo badan, oo ay ku jiraan Puntland, siyaasiyiin dalka xilal sare uga soo qabtay iyo xildhibaano.