PUNTLAND oo xukun adag ku ridday raggii qoyska ku dhibaateeyay BOOSAASO

0
48

Boosaaso (caalamka.net) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xukun ka soo saartay kiiskii xasaasiga ahaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Boosaaso, kadib markii lix dhalinyaro ah ay dhibaateen qoys degan magaaladaasi, kadibna ay ka duubeen muuqaal si weyn ugu baahay baraha bulshada, isla-markaana dhaliyay caro aad u xoogan.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee magaalada Boosaaso oo la horgeeyay eedeysanayaasha ayaa ku ridday xukun xabsi ah, ganaax lacageed iyo sidoo kale magdhow.

Mid kamid eedeysanayaasha oo lagu magacaabao Yuusuf Axmed Cali, isla-markaana hoggaaminayay dhalinyarada falkan geysatay ayaa lagu xukumay lix sanno oo xarig ah, halka afarta kalena lagu xukumay min shan sanno oo xarig ah, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkaamdda Darajada Koowaad ee magaalada dekedda leh ee Boosaaso.

Maxkamadda ayaa sidoo kale raggan ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan min 4,000 oo doollar iyo magdhowga muuqaalka ay faafiyeen oo ah min 1,000 doollar oo kale.

Guud ahaan lacagta la saaray dhalinyaradaan ayaa noqoneyso 25,000 oo doollar, taas oo ka dhingan in qofkiiba lagu ganaaxay lacag gaareysa 5,00 oo doolar.

Sidoo kale maxkamadda ayaa intaasi kusii dartay in xukunkan uu ka furan yahay racfaan muddo soddon maalin gudahood ah, kaasi oo ay qaadan karaan dhamaan lixda eedeysane.

Kheyriya Maxamed Cali Afweyne oo ah gabadha qoyskeeda la weeraray, arrintuna ay ka bilaabatay ayaa horay u sheegtay inay ku faraxsan tahay in la maxkamadeeyo raggan.

“Annaga waxaan ku faraxsanahay in maxkamad la horgeeyo, cadaaladda la marsiiyo, markaas ayaan qanceynaa oo cadaalad baan helnay ayaan dhihi doonaa, waxbaa la qabtay iyo wax baa la xiray cadaalad uma arko.” ayey tiri Kheyriya Maxamed Cali Afweyne.

Sida laga arki karo muuqaalka, kooxdaan ragga ah oo aan wajiyadooda loo jeedin ayaa ilmo yar wajiga cagta ka saaraya, kadib handadaya, sidoo kale waxay aad ugu hanjabayaan hooyada iyo aabaha qoyska oo u muuqda kuwa da’ ah, taas oo sii kordhisay carada kiiskan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here