R/W Xamza oo hortagay guddoonka BF kadib markii loo yeeray – Sidee wax u dhaceen?

0
53

Muqdisho (caalamka.net) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta hortagay guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka JFS.

Kulanka oo uu guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa looga wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wax laga weydiiyay hannaanka shaqo ee xukuumadda, iyada oo guddigu uu caddeeyay in la bilaabi doono hannaan lagula xisaabtamo oo mid mid wasiirada loogu yeeri doono.

Mudan Xamza ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, isaga oo caddeeyay in wasiirada uu ku wargelin doono arrintan, si wasiir kasta oo loo baahdo loola xisaabtamo, heshiis kastana ay horkeeni doonaan Golaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa kale oo uu ku bogaadiyay golaha ansixinta shuruucda muhiimka u ah dalka, gaar ahaan arrimaha deyn cafinta iyo amniga dalka, iyaga oo guddanaya waajibkooda Dastuuriga ah.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday in ay meel-mariyaan shuruucda weli horyaala iyo kuwa la horkeeni doono ee dalka muhiimka u ah.

Waxa uu tilmaamay in xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo ay diyaar u tahay korjoogteyn iyo la-xisaabtan, maadaama hadafkeedu uu yahay dowlad-wanaagga iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa.

Mudane Xamza ayaa hoosta ka xariiqay in heshiis walba oo siyaasadeed oo ay gaaraan Golaha Wadatashiga Qaranka la horkeeni doono Golaha Shacabka, si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntiina wuxuu uga mahad-celiyay guddiga joogtada wada-shaqeyntooda dhow iyo sida ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.

Si kastaba, tallaabada maanta ayaa noqoneysa middii ugu horreysay ee uu Golaha Shacabka u qaado arrimaha la xisaabtanka xukuumadda, kadib muddo sanad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here