Muqdisho (caalamka.net) – Ra’iisul ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo xalay ka qeyb-galay bandhiga 26 June ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka, maadaama loo dabaal-dagayo cudurka Soomaaliya.
Saalax ayaa shaaca ka qaaday weli Soomaaliya ay la daala dhaceyso maxaabiista adag isla-kaagii uu dalka ka jiro gumeysi lamid ah midkii hore, sida uu hadalka u dhigay.
“Waayihii markaa jiray ee gumeysi la dirirka ee la’isaga kicinayay ee dowladnimada lagu keenayay waayo lamid ah ayaa la jira hadda” ayuu yiri ra’iisul-sare ku xigeenka.
Sidoo kale waxa uu xusay in dalka uu leeyahay Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay cadow ku yihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Ra’iisul ku xigeenka kuxigeenka Soomaaliya ayaa tilmaamay in loo baahan yahay sidii la’isaga dul qaaday gumeystihii hore in Al-Shabaab la’isaga dul-qaado.
“Cadow-beynu lahaa, dadkiina barakiciyay, leynaya, halis gelinaya. Raggii maalintaa u kacay say ugu kaceen oo dhexda u xidheen baa annaga nalaga rabaa” ayuu haddana yiri.
Waxa kale oo uu sii tusay “Marka gumeysi cad in la’iska kiciyo maahee ee kan dadkii gumaaday ee Diinteenii sheega ee midankeena leh isna waa in la’iska kiciyo”.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dalka ay aad u adag tahay xogta culus oo Al-Shabaab looga saarayo dalka oo dhan, kaas oo wajigiisa 1-aad guul weyn laga gaaray.
Si kastaba ha ahaatee, wajiga labada oo fure ayaa qorshuhu yahay in lagu gaaro Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaan kusoo biiray ciidan ka socda dariska.