Muqdisho (caalamka.net) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay maamulka cusub ee hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha.
Mudane Cabdullahi Biixi Xuseen oo xilka ku wareejiyay Mudane Cabdiweli Cabdulle Timacadde ayaa hadal kooban uu goobta kajeediyay sharraxay waxyaabaha u qabsoomay hay’adda NIRA muddadii uu hayay xilka kusimaha Maareeyaha hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha.
Waxa uu ka dhawaajiyay sameynta sida dejinta siyaasado iyo xeerar rasmi ah oo ay leedahay hay’adda, kuwaas oo ka tarjumaya shaqada iyo xarunta Hay’adda.
Maareeyaha cusub ee hay’adda Mudane Cabdiweli Timacadde ayaa dhankiisa u mahad-celiyay kusimahii maareeyaha shaqada wanaagsanay uu kasoo qabtay hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha.
Mareeyaha cusub ee hay’adda ayaa sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in uu kordhin doono tayaynta hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Dadwaynaha.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa ku ammaanay maamulkii hore ee hay’adda shaqada wanaagsan oo ay qabteen.
Sidoo kale wasiirka ayaa waxa uu kula dardaarmay maareeyaha cusub in uu dardar-galiyo shaqada muhiimka ah oo ay hay’addu hayso, isaga oo ku adkeeyay shaqaalaha kala duwan muhiimadda wada-shaqeynta oo ay saldhig u tahay in guulo laga gaaro shaqada hay’adda.
8-deeda June ayay aheyd markii Golaha Wasiirrada ay meel-mariyeen in Cabdiweli Timacadde noqdo maareeyaha hey’adda NIRA, halka Cabdullahi Biixina laga dhigay Maareeye ku-xigeen.