Baraawe (caalamka.net) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha dekedda magaalada Baraawe.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay maal-gashtaan deegaannadooda, gaar ka ahaan dadka ka soo jeeda gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale waxa uu xusay hadii dadka deegaanka ay dib ugu soo noqdaan Baraawe maal-gashtaan, ayna ka shaqeeyaan amniga waxay wax badan ka tari doonta kobaca dhaqaalaha ee dalka.
Dhinaca kale, Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa oo maanta gaaray magaalada Baraawe ayaa waxaa xarunta degmada loogu sameeyay kulan soo dhoweyn.
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddoomiyaha uga mahad-celiyay booqashada uu ku yimid magaalada Baraawe, islamarkaana imaanshihiisa ay ku faraxsan yihiin Bulshada deegaanka.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed gaar ahaan caasimadda ku amanay nabad jaceylka iyo sida ay u daneeynayaan horumarinta deegaankooda.
Waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay garab taagan yihiin sidii gacan looga geeysan lahaa mashaariicda ka socota dalka, Baraawe-na ay noqoto caasimadda rasmiga ah ay ku shaqeyn doonaan maamulka Koonfur Galbeed.