Sawirro: DF iyo dowlad-goboleedyada oo shir uga furmay Muqdisho + Ujeedka

0
55

Muqdisho (caalamka.net) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka Wasiirada Maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Wasiir Cilmi oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka ayaa waxa uu sheegay in shirkaan ay xoogga ku saari doonaan arrimaha mideynta canshuuraha iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhexeysa Hhey’addaha maaliyadda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Sidoo kale waxaa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ku wehliyay furitaanka shirkaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Hon. Raho Janaqow iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Hon. Cabdiqafaar Xaange.

Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha horumarinta hannaanka Maaliyadda dalka, dakhliga gudaha, Deyn Cafinta iyo qeybsiga deeqaha Maaliyadeed ee laga helo saaxiibada caalamka.

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangjga Adduunka iyo hey’addaha kale ee taageera Soomaaliya ay dalka ka waddaan.

Geba-gebada shirkaan oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed wadajir ah, oo dhinacyadu ku gaareen shirkaan maanta ka furmay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here