Sawirro: Koonfur Galbeed oo toogasho ku fulisay Aadan Cali iyo Maxamed Geedow

0
59

Baydhabo (caalamka.net) – Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba nin oo lagu helay inay horay dilal uga geystay deegaanada maamulkaasi.

Labada nin oo xukun dil ah ay horay ugu ridday maxkamadda gobolka Baay, ayada oo ugu dambe6n saaka lagu fuliyay toogashada oo ka dhacday fagaare ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ragga la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Aadan Cali Cabdi iyo Maxamed Geedow Nuurow, kuwaas oo maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan.

Aadan Cali Cabdi ayaa lagu helay dilka Marxuum Macalin Daahir Cabdullaahi Mukhtaar, sida ay sheegtay maxkamadda gobolka Baay.

Maxamed Geedoow Nuurow ayaa isaguna lagu soo eedeeyay heystaa dilka Marxuum Jamaal Cabdikariin Maadey oo ugu dambeyn lagu helay.

Fagaaraha lagu toogtay labada nin ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaas, si ay goobjoog uga noqdaan toogashada.

Sidoo kale waxaa fulinta xukunka dilka ah soo dhaweeyay ehellada marxuumiinta ay horay u dileen ragga saaka la toogtay, waxayna u mahadceliyeen maamulka Koonfur Galbeed.

Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale tiirka u geysay rag dilal ka gaystay magaalada Baydhabo iyo kuwa kale oo lagu helay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here