Sawirro: Safaaradda Somalia ee Sudan oo la bililiqeystay

0
52

Khartoum (caalamka.net) – Maleeshiyaad hubeysan ayaa maanta bililiqeystay gaadiidkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, sida uu xaqiijiyey safiirka Soomaaliya ee dalkaas.

Amb. Maxamed Sheekh Isxaaq oo arrintaan si weyn u cambaareeyay ayaa waxa uu sheegay in gaadiidka safaaradda ee la bililiqeystay ay yaaleen guriga uu ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

“Waxaan cambaareynayaa falkii wuxuushnimada ahaa ee lagu bililiqeystay guriga aan ka deganaa magaalada Khartoum ee dalka Suudaan,” ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa la qaateyna gawaaridii safaaradda Soomaaliyeed, falkaas wuxuushnimada ah waxaa sameeyey maaleeshiyaad hubeysan oo aan ixtiraameynin qawaaniinta caalamka iyo xurmadaha ay leeyihiin xarumaha diblumasiyiinta.“

Horey waxaa loo dhacay dhismaha safaaradda, ayada loo geystay bililiqo xoogan, waxayna qeyb ka tahay xarumo dowladeed oo tan iyo markii uu billowday dagaalka Suudaan la bililiqeystay, kuwaasi oo ay kamid tahay xarun weyn oo ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Khartoum ee caasimada dalkaasi.

Xaaladda dalka Suudaan ayaa weli ah mid cakiran, kadib markii ay si lama filaan ah uga qarxeen dagaallo qaraar oo u dhexeeyo ciidanka milatariga iyo kuwa gaarka ee RSF.

Si kastaba, dagaalka labada dhinac ayaa meesha ka saaray qorshihii caalamku taageeray ee loogu guuri lahaa dimuqraadiyad rayid ah afar sano kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo ahaa mudaaharaadyo waaweyn iyo laba sano ka dib afgambi militari.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here