Sawirro: Ujeedka shirweyne qaran oo maanta laga daah-furay Muqdisho

0
35

Muqdisho (caalamka.net) – Waxaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya.

Shirweynahan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa looga hadlaya arrimaha la xiriira sare u qaadista shaqaalaha caafimaadka dalka.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr, Maryama Maxamed Xuseen iyo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah shirweynahan maanta furmay xubno ka socda hay’addaha caalamiga ah ee ka howl-gala Soomaaliya, agaasimayaasha wasaaradda caafimaadka, bahwaynta caafimaadka Soomaaliya, xubno ka socda xarumaha caafimaadka dalka xirfadlayaasha caafimaadka, siyaasad-dejiyeyaasha iyo daneeyayaasha dalka oo dhan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaal Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan oo hadal ka jeediyay ayaa waxa uu ku baaqay in la iska kaashado maalgelinta dhanka caafimaadka.

“In la hello maalgellin dhanka Caafimaadka waxay horseedi kartaa hellidda Shaqaale Caafimaad oo adkeysi iyo tayo leh,” ayuu yiri wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada XFS.

“Waxaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay maal-gashtaan caafimaadka dalka taas ayaana sabab u noqon karta in dadkeena ay ka baaqsadaan caafimaadka dibadda ay u aadaan”.

Shirka ayaa ah mid muhiim u ah bulsho waynta Soomaaliyeed, maaddaama uu qorshuhu yahay sidii loo heli lahaa shaqaale caafimaad oo tayo leh, taasi oo kor u qaadeysa horumarinta caafimaadka guud ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here