Sawirro: Xamza iyo Danjire Affey oo shir muhiim ah ku yeeshay Muqdisho

0
37

Muqdisho (caalamka.net) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee hay’adda Qaxootiga QM ee UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika, Danjire Maxamed Cabdi Affey.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Danjire Affey ayaa ka wada-hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool dalka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Labada masuul ayaa sidoo kale kulankooda diirada ku saaray sidii daruufaha nololeed ee barakacayaasha iyo dadka qaxootiga ah loo hagaajin lahaa, waxna looga qaban lahaa dadkaasi ku nool dakeenna.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey iskaashiga ka dhaxeeya dowladda iyo hay’adda UNHCR ee ku aadden daryeelka qaxootiga iyo barakacayaasha, gaar ahaan taageerada dhanka ilaalinta iyo nooliga ah.

Danjire Affey ayaa dhankiisa dowladda federaalka Soomaaliya ku ammaanay dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu soo dabbaali lahaa amni iyo xasillooni.

Affey ayaa hoosta ka xariiqay in dadaaladda dowladda ay wax weyn ka tareyso xaaladaha qaxootiga iyo barakacayaasha dalkeenna ku nool.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa kamid aheyd dalalka Afrika ee sanadihii lasoo dhaafay marti-geliyay qaxootiga faraha badan, sida ay horey u shaacisay hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here